Allaha unaxariistee Wariye Ibraahim Daa’uud Muudeey (weynax) ayaa saaka ku geeriyooday magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.
Wariyaha ayaa muddo todobaad ah waxa uu ujiifay xanuun dhinaca dhiikarka ah waxaana saaka ugu dambeyn uu udhintay xanuunkaasi guri uu ka deggenaa degmada Xamar jajab ee magaalada Muqdisho.
Ibraahim weynax ayaa ka shaqeynayey waqtiyadii udambeeyey jaraa’id kasoo baxa magaalada muqdisho waxaana horay uu uga soo shaqeeyay idaacadaha Mustaqbal iyo Radio Dalsan ee muqdisho kuyaalla.
Ibraahim Muudeey allaha unaxariistee ayaa lagu wadaa in lagu aaso magaalada muqdisho waxaana meydkiisa sida eheladiisa inoo sheegeen la filayaa inay kasoo qeyb galaan qaar ka mid ah wariyeyaasha ka howlgala muqdisho.
Wariyaha ayaa sidoo kale waxa uu hore uga soo shaqeeyey Idaacada Jowhar oo kutaalla magaalada Jowhar sida uu usheegay Buraannews.com C/naasir France oo waqti ay iskala shaqeeyeen Idaacada Mustaqbal ee muqdisho.
↧
Wariye ka howlgalayey idaacad kutaalla magaalada Muqdisho oo geeriyooday (AKHRISO)
↧