Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Jaamacad kutaala Boqortooyada Sacuudi Carbia oo amar cusub kusoo rogtay Gabdhaha Waxkabarta Jaamacadaasi

$
0
0

Jaamacadda Lagu magacaabo Amiir Nuura Ee dalka Sacuudiga aya ka mamnuucday gabdhaha wax kabarta jaamacaddaasi in ay ku labistaan Saraawiisha.
Gabadha ugu sareeysa Maamuka Jaamcadda Amiirnuura Ee dalka Boqortooyada sacuudiga ayaa ka mamnuucday dhammaan gabdhaha wax ka barta Jaamacadda in ay ku labistaan Saraawiisha .
War qoraal ah oo ka soo baxay maamulka Jaamacadda ayaa looga digay gabdhaha ardayda ah ee wax ka barta Jaamacaddaasi in aysan Labisan karin Saraawiisha.
Maamulka Jaamacadda ayaa sidoo kale sheegay in ay u ogal yihiin gabdhaha in ay ku labistaan qamiisyada ama cabaayadaha aan dhinacyada ka furneey ee asturka ku wanaagsan.
Wargeeska Al-xayaat ee ka soo baxa dalka sacuudiga ayaa soo xiganayan in labiska Gabdhaha jaamcaddaasi uu yahay Goono dheer oo aan dhinacyada ka furneeyn oo midabkeedu yahay madoow ama dameeri
Gabadha horjoogtada ka ah jaamacadda ayaa sheegtay in ardayadii ku soo labisataa Surwaal ama labis ka hor imaanaya sharciga jaamcadda maalintaasi maqnaansho loo qori doono oo dib looga ceeyrin doono daraasadda.
Jaamcadda Almalik C/Casiis ayaa wax looga bartaa saraawiisha oo mamnuuc kama ahan in gabadha ay ku labisato surwaal laakiin waxaa loo shardiyaa in ay ku asturan tahay gabadhu oo aysan coowradeedu muuqan ,waxaa kaloo looga baahan yahay in surwaalkaasi ay ku labisanayso uu ahaa mid aan ku dhegneeyn oo jerkeeda muujinaya.
Maxamed Suudi Guure
Binsuudi@hotmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>