Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Somaliland, ayaa la sheegay in ay Guddida diiwaan gelinta iyo Ansixinta Ururrada/Asxaabta Qaranka natiijaddii Guud ee Doorashadii Goleyaasha Deegaanka Somaliland ee dalka ka qabsoontay 28-kii Bishii hore.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Guddida diiwaan gelinta iyo Ansixinta Asxaabta oo la xidhiidha Natiijada Doorashada ee loo gudbiyey Guddida diiwaan gelinta, hase yeeshee sida warar xogogaal ahi u xaqiijiyeen Wargeyska Saxansaxo, ayaa tibaaxay in Komishanka doorashooyinka Qaranku ay natiijadii Doorashadii Goleyaasha Deegaanka isu dhaafiyeen dhinaca Guddida diiwan gelinta oo iyagu awood u leh in ay ku dhawaaqaan saddexda Xisbi qaran ee Somaliland yeelan doonto 10-ka sano ee soo socda.
Warku waxa uu intaasi ku darayaa in Guddida diiwaan gelintu ay waajibaadkooda ka gudan doonaan Natiijadan loo gudbiyey marka ay Maxkamadda sare ee Somaliland cadayso in aanay jirin wax dacwad ah oo ay soo gudbiyeen Ururradii iyo Xisbiyadii ka qaybgalay Doorashadii Goleyaasha Deegaanka ee Somaliland.
Guddida diiwaan gelinta iyo Ansixinta ayaa iyagu ku dhawaaqi doonta saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland yeelan doonto 10-ka sano ee soo socda, iyaga oo u mari doona xeerka anshaxa doorashada oo ay kala saxeexdeen Ururrada iyo Guddiga diiwaan gelintu.
Hargeysa Somaliland
↧
Guddida Kala Saarista Ururada Oo Loo Gudbiyey Natiijadii Doorashada Iyo Codadkii Ay Xisbiyada Iyo Ururradu Heleen
↧