Wasiirkii hoe ee Wasaaradda Ciyaaraha, dhaqanka iyo dhalinyarada Smaliland Maxamuud Siciid Muxumed, ayaa ka hadlay Xayiraadlaga saaray Socdaal uu doonayey inuu ugu boxo Magaalada Muqdisho ee Xarunta Waddanka Somalia, isaga oo sheegay in Madaarka Magaalada Berbera laga soo celiyey oo la diiday inuu Muqdisho u duulo, waxaanuu soo bandhigay Warqad uu sheegay inuu Madaxweynaha u qoray oo uu ku ogayiiyey socdaalkiisa.
Maxamuud Siciid Maxamed oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu sheegay inaanuu socdaalkiisan oo uu ku macneeyey inuu Hanti uu ku lahaa Magaalada Muqdisho ku soo iibsanayey joojin doonin oo uu tegi doono, isaga oo arintaasi ku tilaamay mid lagu sharaf dilayo.
Wasiirkii hore ee Ciyaaraha Somaliland Maxamuud Siciid oo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi“ Xamar ayaa la igal soo xidhiidhay oo la igala soo hadlay,la wada ogyahayna dadka reer Somaliland hantidoodii waxa uu jiraa Koonfur,waxaana lagama maarmaan noqotay inaan tago aniga oo ilaalinaya sumcaddayda iyo inaan wax shaki ahi ka soo bixi tegi taakayga, waxaanan ku wer geliyey Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xasan oo aan ku idhi waxa aan doonayaa inaan muqdisho tago oo aan soo iibsado hanta aan ku lahaa Xamar ee sidaas ula socda, waxaanan u qoray warqad aan ku sheegay ujeedada socdaalkayda Madaxtooyada, waxaanay u qornayd sidan :-
“Mudane Madaxweyne waxa Koonfurta Somalia taalla Hanti badan oo ay leeyihiin dad u dhashay Somaliland aniguna kuwaas ayaan ka mid ahay, waxaan isku dayey inaan iibiyo aniga oo Hargeysa Jooga waanay soora geli wayday, markaa waxa lagama maarmaan noqotay inaan tego halkaasi oo aan soo iibsado hantidaas an ku lahaa, markaa sidaas ayaan idinla socodsiinayaa”
Maxamuud Siciid Maxamed oo hadalkiisa sii watay wax uu intaas ku daray “Markaa shalay markii aan tegay Garoonka Muqdisho ayaa waxa la iga diiday inaan tago, markii aan waydiiyeyna cid uu aramkaasi ka soo fulay waanu garan waynay, waxaana meesha ka soo baxay Ninkala yidhaahdo C/raxmaan C/qaadir oo kulmiye ay isku dheceen, oo isna la diiday inuu u oxo Muqdisho, waxaanuu igu yidhi malaha aniga awgaa ayey sidani kuugu dhacday, markaa waxaan leeyahay anigu afarkaygii waan sii wadanayaa oo ma joojinayo marnaba, Xumaanta la ii gaystayna waa mid qaranka oo dhan loo gaystay ayaan qabaa, markii aan qoraalka samaynayeyna waxaan ilaalinayey sumcadda, waxaan codsanayaa in ciddii waxaas samaysay la baadho oo tallaabo laga qaado, Madaxweynahana waxaan leeyahay arintaas dib u eeg karaamo dilka ah ee la igu sameeyey”
↧
Wasiirkii Hore Ee Ciyaaraha Somaliland Oo Ka Hadlay Xayiraad Laga Saaray Socdaal Uu Doonayey Inuu Muqdisho Ku Tago
↧