Mudahaar ballaadhan oo lagaga soo horjeedo Wasiiro Xukuumadda ka tirsan iyo Xildhibaanno degmada Saylac u tegay inay xalliyaan khilaaf muddooyinkii ugu dambeeyey ka taagnaa Golaha Deegaanka ee Degmada Saylac, ayaa shalay ka dhacay Magaalada Saylac,mudaharaad kaas oo la sheegay inuu ka dhashay, ka dib markii ay Wasiiradaasi soo jeediyeen in dib loogu noqdo doorashadii Maayirka iyo ku xigeenka degmadaasi oo ay isku hayaan laba beelood oo wada dega halkaasi.
Dadkan Mudaharaadayey, ayaa la sheegay inay u badnaayeen dadweynaha dhinaca Beesha Samaroon oo iyagu qaatay Maayirkii iyo ku xigeenkii degmadaasi, ka dib markii ay halkaasi uga soo bexeen 10-xildhibaan oo golaha deegaanka ah, halka ay beesha Ciise oo ay la degmad halkaasina ay uga soo bexeen 7-xildhibaan oo guud ahaan dhan 17-xildhibaan, isla markaana ay sidaasi xubnaha beesha Samaroon ee Golaha deegaank ahi shir ay gooni u yeesheen ku doorteen Maayirki iyo ki Xigeenkisiiba, taas oo keentay inay beesha Ciise ka cadhooto oo ay tabashadoodu soo gaadho ilaa Madaxweynaha.
Mudaharaadayaasha ayaa la sheegay inay ka soo horjeedaan arintaasi Weftigu la tegay halkaasi iyo dhaarin la’aanta Tobanka Xildhibaan ee Aqlabiyada golaha deegaanka Saylac, waxaanay wararku sheegayaan in dadkaasi ay kala dareeiyeen Cidamada Amaanku oo aanu wax khasaare ahi ka dhalanin, iyada oo la sheegay inay jiraan dad loo xidh xidhay mudaharaadkaasi.
Xubnahan Wasiirada ah eek u sugan degmada Saylac, ayaa waxa ka mid ah Wasiirka Wershedaha Md.C/risaaq Cali Cismaan, Wasir ku xigeenka Waxbarashada Cali Xaamud Jibril iyo Xubno ka mid ah Golaha Guurtida Somaliland, kuwaas oo ka soo jeeda Beesha Samaroon ee qaadatay Maayirkii iyo ku xigeenkii degmadaasi ee tabashadu ka dhalatay, iyada oo la sheegay inay Xukuumaddu halkaasi ugu dirtay inay soo xalliyaan khilaafka ka jira Golaha Deegaanka degmada Saylac oo si adag ay isugu maan dhaafsanyihiin labada beelood ee halkaasi wada dega.
Ma jiraan warar ka soo baxay dhinaca weftiga uu mudaharaadku ka dhashay iyo cid kale oo ka hadashay, iyada oo uu mudaharaadkani ku soo beegmayo xilli ay socoto ergada tabashada arinta golaha deegaanka degmada Saylac oo ay dhowaan Madaxweynaha u yimaadeen Madaxdhaqameed ka soo jeeda beesha ciise oo kala hadlay arintaasi golaha deegaanka ka taagan.
Hargeysa Somaliland
↧
Wasiiro Xukuumadda Ka Tirsan Oo Saylac U Tegay Xalinta Khilaafka Golaha Deegaanka Degmadaasi Ka Taagan Oo Mudaharaad Ka Dhashay.
↧