Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali, ayaa ciidamada Bileyska ee inta badan sida aan sharciga ahayn u soo xidha Saxaafadda ku canaantay inay sameeyaan qaab aan sharciga waafaqsanayn, isaga oo sheegay inay soo qabtaan iyaga oo aan wax waaran ah sidan, isla markaana ay ugu galaan xafisyadooda isaga oo shaqadooda wata.
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland oo maanta ka hadlayey shir lagu qabtay hargeysa ayaa waxa uu hadalkiisa ku billaabay
“Waxaan leeyahay qarankeenu waxa uu ku dhismayaa sharciga oo la isku xukumo, sharciga oo aynu ogolaano in sharcigu noqdo ka ugu sareeya ee aynu ka wada dambayno, xeer ilaaliyow ha dhibsanin haddii lagu yidhaahdo kiiska aad soo oogtay cadayntani kuma fila ee cadayn kale keen, haddii aanad hayna la noqo, ha u qaadan in adiga lagu caayey ama xafiiskaaga wax laga sheegay, u qaado caddaaladii oo laguu tilmaamay oo ku qanac, Boolisow marka lagu yidhaahdo maxaad qofkan u soo qabatay markaad xaakinka hor-keento, haddii aanad waxba ka qorin dhib-banaha ama isagu (dhibbana) aanu sheegayn maaha in xabsiga lagula ordo”
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland oo hadalkisa si watay waxa uu intaas ku daray “Xaakimow adiguna ha is odhanin awoodbaad leedahee waxaad doonto samee, marka Waaran qabasho ah lagaa soo dalbado u soo saar haddii ay dhamaystiran yihiin shuruudihii waaranka lagu soo saarayey”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Qof aan dambi galin ma jiree qolada Wariyayaasha xuquuqdoodu way dhowrsan tahay, maaha in cid walba xabsiga intay gasho ay maxbuus xukuman ay iska sawiran karto oo ay ka warami karto maaha, qofku inkasta oo uu dambi galay ILAAHAYBAA ina yidhi sharafta ilaaliya oo ku tunta la inama odhanin, qofku haddii uu dambi gallo intiisa yaan loo dhaafin, ILAAHAY ma jecla kuwo xad-gudba”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Xeerka ciqaabta guud, qof walba wuu qabanayaa, Madaxwaynuhu kama baxsanayo, qolada saxaafada waxaan leeyahay xeerkiinu wuxuu nidaaminayaa shaqadiina ee ku dhaqma, aniguna idiinma damaanaq qaadayo inaan qalinka dambi lagu galin, waxaanan jecelahay saxaafadeenu door wayn bay leeyihiin ay doorkooda gartaan, in lagu tacadiyana ma jecli, in xeerkooda la ixtiraamo ayaan jecelahay, waxaanan ka murugoodaa boolisbaa galay qolkoodii xafiiska u ahaa iyaggoo bilaa waaran ah, nimankani qalinbay wax ku qoraan oo ma qarxaan oo wax qarxa meesha ma soo dhigtaane bilaahi Caleek markaad xafiisyadooda galaysaan maxkamadaha ka codsada inaad gashaan (Waaran soo qaata)”
Hargeysa Somaliland
↧
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Somaliland Oo Cidamada Booliska Ku Canaantay Xadhiga Warbaahinta Oo Uu Ku Sheegay Mid Aan Loo Marin Sifaha Sharciga Ah
↧