Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Qodobo hordhac ah oo ka soo baxay kulan magaalada Khartuum ku dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Suudaan, kana wada-hadlay….

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay safar ku aaday dalka Suudaan si uu uga qeybgalo sanad guuradii 57-aad ee ka soo wareegatay markii uu dalkaasi xorriyaddiisa qaatay ayaa waxa uu xalay kulamo kala duwan la yeeshay Madaxweynaha dalkaasi Cumar Xasan Al-Bashiir iyo golaha wasiirada Suudaan, wuxuuna kala hadlay xiriirka labada dal ka dhaxeeya iyo sidii ay dowladda Suudan u sii wadi laheyd taageerada ay siiso shacabka Soomaaliyeed iyo sidoo kale inay gacan ka geysato dib u dhiska dalka.
Wafdiga Madaxweynaha oo ay qeyb ka yihiin wasiiro iyo xildhibaano ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Khartuum ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Suudaan iyo golaha wasiirada dalkaasi, waxaana madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa la geeyay xarunya madaxtooyada ee dalkaasi oo ay kulamo kala duwan kula yeesheen madaxda dalka Suudaan oo ka dalbadeen in dowladda Suudaan ay dowladda Soomaaliya ka taageerto dhinaca gargaarka iyo amniga, iyadoo la sheegay in dowladda suudaanna ay aqbashay codiga uga yimid Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa.
Dalka Suudaan ayaa wuxuu ka mid yahay dalalka sida weyn u daneeya arrimaha dalka Soomaaliya, waxaana dalkaas ku sugan arday fara badan oo Soomaali ah, kuwaas oo wax ka barta jaamacadaha kala duwan ee dalkaas, sidoo kalena lama oga in Madaxweyne Xasan uu la kulmi doono ardayda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Suudaan iyo in kale, iyadoo booqashadiisan lagu sheegay inay qeyb ka tahay booqashooyin uu dhawaanahan ku marayey Madaxweynaha Soomaaliya dalalka bariga Afrika.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>