Dowladda Turkiga ayaa markii ugu horeysay waxay ka hadashay ujeedadii ay dalka Soomaaliya u timid waxa ay aheyd iyo taageeradii hagar la’aaneed ee ay u fidisay shacabka Soomaaliyeed xilligii ay abaarta ku dhufatay dalka Soomaaliya, waxayna dowladda Turkiga sheegtay in ujeedkoodu uu ahaa oo keliya inay indhaha caalamka u soo weeciyaan Soomaaliyada la iska iloobay, isla markaasna ay uga qeybqaadan lahaayeen taageeridda dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan, waxayna meesha ka saartay inay dano siyaasadeed ka leedahay dalka Soomaaliya.
Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Bekir Buzdag oo wareysi siiyey wakaaladda wararka Anatolia ee dalka Turkiga ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ku faraxsanyihiin sida uu yiri in Turkiga uu barbar taagnaado, wuxuuna intaasi ku daray in shacabku ay aad ugu farxayaan marka ay arkaan diyaarad uu leeyahay Turkiga oo gargaar bani’aadamnimo u sida.
“Waxaan arkay dad Soomaaliyeed oo oranaya Turkiga waa yimid, uma dhimaneyno gaajo iyo dawo la’aan” ayuu yiri Mr. Bozdag oo uga mahadceliyay hay’adda horumarinta caalamiga ah ee dalka Turkiga TIKA howlaha samafalka ah ee ay ka waddo gudaha dalka Soomaaliya, sidoo kale Ra’isul wasaare ku xigeenka Turkigu wuxuu sheegay in hay’adda TIKA ay horumarisay sanadkii hore ee 2011-kii dedaalka caawinta ah ee ay ka waddo caalamka, wuxuuna xusay inay hadda ka howlgasho 33-dal oo ay Soomaaliya ku jirto.
“Tika waxay aheyd hay’addii Turkiga aheyd ee ugu horeysay oo gargaar ka bilowda Soomaaliya markii halkaas booqasho uu ku tagay Ra’isul wasaare Rajab dayid Erdogan, booqashadaasina waxay shacabka Soomaaliyeed iyo dunidaba u arkeen mid layaab leh, laakiin la yaabkaasi Soomaaliya ayaa ka faa’iday oo indhaha caalamka oo dhan ayaan ku soo jeedinay, waayo madaxda caalamka Soomaaliya way ka baqi jirtay, markii uu tagay Ra’isul wasaaraheena madax kale ayaa ku dhiiratay inay Muqdisho tagaan” ayuu yiri Mr. Bozdag.
Mr. Bozdag wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda Turkiga ay Soomaaliya u joogto inay caawiso oo keliya shacabka Soomaaliyeed, balse aysan jirin arrimo siyaasadeed oo ay ka leedahay dalka Soomaaliya oo uu sheegay inay burburiyeen dagaalo sokeeye, wuxuuna beeniyay inay dano siyaasadeed oo gaar ah ka leeyihiin dalka Soomaaliya, isagoo intaasi ku daray inay u fureen safaaraddooda Soomaailya sidii ay xaaladda dalka ula socon lahaayeen, wuxuuna sheegay in isaga qudhiisa uu sedex mar booqashooyin kala duwan uu ku tagay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.
↧
Dowladda Turkiga oo ka hadashay mowqifkeeda ku aadan arrimaha Soomaaliya, beenisayna…
↧