Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Shirka London: shirqool iyo luggooyo:by Bashir M. Hersi

$
0
0

Sida qarankii u qallibmay, waxaa Soomaaliya loo qabtay dhawr shir,
dhammaan ku suntanaa nabadeyn, waxaase jiray qaar loogu yeeray
wadatashi, aanse nabaddu marna ka marnayn, dabcan nabaddu waa nudubka
nolasha iyo naruuradeeda, Soomaalise naawili waysay, hadday ka dhigatay
qalqabsi iyo warcelinta koowaadba “Nabad ma sheegtay? Ama ma jirtaa? Waa
nabad”, nolosha ayaa rajo ku dhisan, horay u hanqaltaagguna waa
halbeegga noolaha, ma quusto, is mana dhiibo, wuxuu ku hawllan yahay
huleel iyo hawl, hadalkuna waa hawraarta hadranka.
“Baho Higle kalgacalna ku kali tagi waaye, af qarmuunina ku wada joogi
waaye”, shir nagama dhammaado shayna nooma hagaago, sanadkii la soo
dhaafay waxaa la qabtay ugu yaraan 3 shir, waxaa ka badanaa kuwa magaca
Soomaali ku sheeganaa, ee aysan shaahidka ka ahayn, haddaba shirkan
London maxaa laga shinsan karaa? Maxaa ka soo bixi kara? Yaa danleey ka
ah? Maxaa shiddo ah oo ka hor imaan karta?
Inta aanan qormada gudagalin, aan dulmar ku sameeyo shirarkii hore, si
suurad buuxda u muuqato, ugu horrayn, Soomaali waxaa lagu tijaabiyey,
waxa cilmiga siyaasadda ama culuumta dawlaga lagu yiraa: “Creative
chaos” noqonaysana “Fawdada waxtarka leh”, lana hubsaday inay miradhal
tahay, maxaa yeelay dal aan dawlad dhexe lahayn rubuc qarmi ku dhawaad,
haddana nolosha caadi tahay, ayaa ahayd mid ahaysan rumays naan jirin
culimada siyaasadda dhiga, kuna doodi jireen in dawladdo nolosha
casrigaa u tahay udud dhexaad.
Soomaaliya shirarka loo qabtay, intooda badan waxay ka dhaceen dalalka
dariska, Kenya, Djibouoti iyo Ethiopia, waxaa lagu soo wada unkay ama
lagu dunshay dawlado KMG ah, waxaa jira mid ka dhacay Cairo, oo isna
lagu burburiyey maamulkii Sarballaar, dabadeedna dhidibada loo taagay
maamulka Puntland, wax ma idin kaga bexeen isdaba marka labada maamul?
Mid la dumiyey midna la dhisay!
Shirkan London wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyey ee lagu qabanaya wadan
reer galbeed ah, maalintii lagu dhawaaqay, ilaa iminkan aan sadaradan
qorayo iyo inta laga qaban doono, waxaa la falgalay walaac iyo
walaahood, baqdin badanna laga muujiyey, siyaabo kale duwanna looga
dareen bixiyey, illeen qofba meel u darane, dadkuna isku dan ma wada
ahee, gaar ahaan qawlaysatada iyo afar jeeblayaasha, aan garanayn waxa
ay jadiinka mariyaan ma ahane iyo danleyda dhibban, dacaynta daadsan
meel walba iyo dulmanayaasha aan doodaaga  lahayn, waa Soomaaliye.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya shirka, waxayse ka wada siman yihiin
tilmaanta eraga “Maxmiyad”, dareenka digtoonidu ku jirto ee laga
muujiyey shirkan, Anigu dareen kale ayaanba ka qabaa, sababtu waa mid
seefan oo aan sarnayn, imisa shir ayaa naloo qabtay? Dhammaan qof qaylo
ka keenay ma jirin, maya, waaba loo kala tartami jiray, muran iyo
isqabqabsina ka dhici jiray, sida looga qaybgalayo iyo cidda ka
qaybgalaysa, natiijo fiicanna kama soo bixi jiray.
Balaan wax yar gadaal idiin celiyo, Soomaali waligeedba sooyaalka ma
saabsatee, shirkii ugu horreeyey ee Djibouoti wuxuu sabab u ahaa
dagaalkii afar biloodka ee dhexmaray Caydiid iyo Cali Mahdi, ismari
waagi ka dhashay ilaa maanta waa ka taagan, lama tixgalin go’aankii
Mustaxiil ay ku gaareen jabhadahii hubaysnaa, ee ku saabsanaa sida loo
qaybsanayo awoodda maamul, balse isla markiiba shir ayaa la qabtay,
Caydiidna la gees maray, maxaa laga gurtay oo aan qasaaro ahayn? Walise
lama garan qaladkaa dhacay, inuu sabab u ahaa dhibka maanta jira.
Shirkii labaad ee isla Djibouoti ka dhacay, isna waxaa lagu hirgaliyey
mashruuca gurracan ee quursiga Soomaalida, waxaa la meelmariyey “Anaa
buuxa, Adaa bara!”, mardhow fisha maansada Anfariir, dhacii, kufisgii,
boobkii iyo bililiqadii ma deeqin, ee waxay doonayaan inay inta ka
dambaysana ay duugaan! Ma garan, haddana waxaa lagu sheegaa shirkii ugu
wanaagsanaa, dadku ma indhaha ayey la’yihiin? Mise garaadka ayaa guray?
Isma qabanayso, in dad dhan jiritaankooda la inkiro, haddana guul la
tilmaamo, ee Soomaaliyeey maad sidaan isu dhaantid?.
Shirkii Kenya ee Cali Mahdi ku tilmaamay shir Xabasheedka, maalinkii
damabana ku soo dhaweyey Xamar, wakiilna uga noqday shirkii Muqdisha ka
dhacay, isna waxaa ka dhashay Xabashi oo wadankii qabsatay, gees ka
gees, awalba Somaliland iyo Puntland caadi ayey u daganayde, Muqdisho
iyo xarumihii laga hagi jiray ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeedna
saldhigyo ka dhigatay, shirkaas isna si weyn ayaa looga qaybgalay, wuxuu
kaloo dhaliyey, waxaan la yiri Federal, “Kayga Anaa iska leh, kaaga
kula lihi”, isna wuxuu dhalay in  dalka dhan reero maalulaan,
aayihiisana la gaar noqdaan, waan sii faahfaahin doona arintan.
Shirarkaa haddii aysan dhalilahaa lahayn, maxaa maanta dhiillada keenay?
Dhibkii dhacay haddii dhaayaha laga wada duubanayo, ma garan waxa midka
London gooni looga dhigayo inuu yahay dhaawaca Soomaali? Soomaali
waligeed ayey dhaacnayd, ma jirin maalin fiito iyo nabar aan dhacaamayn!
Xanuun gacal keenay iyo mid gumaysi keenay ayaana ku gadaamnaa, marna
ma arag ufo samaan iyo saxansaxo udgoon wadata, maalinba ninbaa dhibbane
ahaa, lamana dhugan dhankiisa.
Shirkii Garoowe ayaan ka qoray cinwaan ahaa: “Shirka Garoowe: gogol
shabaqa iyo gar shiilan”, dagaalkii la igu kiciyey waaba la ogaa, maanta
ayeyse habboon tahay inaan mar kale ku celiyo, illeen horaa loo yiri:
“Run sheeg waa ceeb sheege”, qormadaa waxaan ku caddeeyey inaan qolo
gaar ah wax  laga weydiin karin ayaaha umadda, si gaar ah waxaan u
caddeeyey inaysan gooni la noqon karin ayaaha umadda, maxaa yeeelay
iygaba waxba faraha uguma jiraan, ee sideebay u matalaan dad aanba
dirsan?
Haddii loo wada sacbiyey shirkii Garoowe, oo ay isugu tageen laba beel
iyo sadax qawlaysato, maxaa maanta loo yabqamayaa? Shalay maxaa loo
hadli waayey? Mise waa marka jabadka la soo jibaaxo ayaan jaanta
qaadayna? Maantana shirka London iyaga ayaa tagaya, ahna xubaha sida
rasmiga ah loogu casuumay, miyaa la marayaa meeshii laga yiri: “Aan
ooyee albaabka ii xira”, taa waxaan uga jeedaa inta aan shirka lagu
casuumin, illeen wax kale oo u haray ma jiraane, danahoodii waxaa loo
wakiishay laba beel iyo sadax danayste.
Aanse afhayeen u noqdo daqiiqad, haddii dawladdu ku dhisan tahay afar
iyo bar, maamullada lagu casuumayna yihiin beelo, marna dawladda ka mid
ah, marna maamul gaar ah leh, saw laba caynlayn iyo cantuugeynba maaha?
Micnaha inay xaggana wax ku cunaan xagganna wax ku cunaan, maadaama ay
dawladda xubno ku leeyihiin, waxay ahayd in mudnaanta la siiyo beelaha
aan maamul u dhisnayn, siiba kuwa makii horaba la dulmay ee barka la
siiyey, ee aan lahayn Suug  Sawaariiqna aan ridin.
Ugu dambayn, mid waxaan leeyahay kuwa shirka loo madlay, een umaddaan u damqanayn, eeganaya dantooda kaliya:

Sii hadoodilan
Soo hadoodilan
Harga maran sida
Haabaarna u dheer!

Abwaan Hadraawi ayaa maansada “Heelliyo” wuxuu ku yiri:

Nin gumeysi habayoo
isticmaar habeeyoo
la hal maalay baad tahay!
……………………………………
Naaleeye habacsane
Yaa horseede kaa dhigay
Ma Adigaa hoggaanshe ah
Gobanimo hawadin kar
Qarannimo hitiqin kara
Isku duubni hanan kara
Dal sabool ah hagi kar
Himilada xil furan kara
Taariikh la hari kara
Hal-abuurka sharafka leh
Murtidiisa helin kara
Hoodaale Noqon kara?.

Si kale haddaan u dhoho, waa meeshuu abwaanku ka yiri:

Qosol beena fool wada qayiran qiil aan garanaayo
Qoobaan korkii laga qufaly qabarna hooseeyo
Doqonbaa halkii lagu qali lahaa qoorta soo dhigane
Ma Anaa la ii qarshaa middiyo laygu qali doono?!

Midna waxaan leeyahay caddaanka shirka qabanaya:

Waa taa ii gob eheed
Anna kuu gun ahaaye
Hadmaan gudboonaanay?!

Waligiinba Soomaali wanaaggeed kama shaqayne, ma maanta ayaad
garwaaqsateen? Ilama ahan, kollay ujeed gaar ayey leeyihiin, la qiyaasi
karo ama muuqdaba, burcadbadeeddu waa ajandaha koowaad ee shirka, maxaa
yeelay dadka ay qafaasheen waxaa ku jiray dad British ah, sidaa darteed
waa inay wax ka qabtaan, uma jeedaan inta maalin walba xabadda AMISOM
iyo gantaalaha Kenya ku dhimanaya, hubaal inay tahay kaaf iyo kala
dheeri, ama kuwa hadda Tarzan xerayaha ka xiri rabo.
Taa waxaaba ka sii daran in loo bira tumanayo dhaqaalaha wadanka,
maadaama la hubsaday in Soomaali shidaal ka sokow ay ka buuxaan macaadin
waxtar leh, dawladahaanna ay dabada ka riixayaan shirkado, ka dib
markay hubsadeen in geyiga barwaaqo ceegaagto, taana ay muhim u tahay
dhaqaalaha wadamaa iyo ma dhargayaasha shirkadahaa iska leh, oo aan
marna eegin dan iyo duruuf, ee beegsada bugtada iyo kuwa beylahdu ku
dhacado.
Run ahaantii walaaca laga muujiyey shirkan, iyo in wadanka la galinayo
Maxmiyad, ayaa ah baqdinta dad badan ka cabsi qabaan, waaba su’aale
hadda ma madax bannaanahay? Marka laga soo tago maamul beeleedyada,
wadanka waxaa xakuma caddaanka iyo madawga xoogga ku haysta, haddiise
laguu iclaansho maxay kaa badalaysaa hadduu laguu maldaho? Waa meeshuu
abwaanku ka yiri:

Marwo camal xun maangaab ninkeed maqasha baa dhaantaa
Muslinnimo nimaan kuula socon muuminnimo khaa ah
Gaal maxasta kuu dhawra ood magansataa dhaanta!

“Ninkii tashan waaya waa loo talin” murti ayaa dhahaysa, haddaba maxaa
diiday in Soomaali loo taliyo hadday tashan waysay? Dhibka waxaa keenay
in qolo walbaa qolada kale ku eeganayso dhibka, dayaca, duruufta iyo
diihaalka, ayna dhammaatay walaaltinimo iyo darisnimo, haddaba miyeysan
dhaamin in nala maamulo maadaama aan is maamuli weynnay, wali waan is
giijinaynnaa, ma xuma, balse waxay u baahan tahay in la helo dad af iyo
adinba wax ku qabta.
Laba meeris oo ka mid ah maansada “Galbeed”na  waxaan leeyahay Soomaali
inteeda kale, oo aan ku soo afmeerayo qormada, mar dhowna fisha
maansada, waana kuwan labadii meeris:

Saatani gar maahee
Inta goori goor tahay
Haddaan geesiyaal iyo
Isu taagin gabannadu
Soomaali way guban
Goor aan la damin karin
Hadal waxba goynayn
Ayaa loo gudbaayaa!

Maanta aan garqaadanno
Gumaysigana diidnoo
Isku duubni gabigeen
Aan wada gabaadinno
Inaan geyiga leennahay.

Bashir M. Hersi
brdiraac@hotmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles