Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Labo qarax oo Muqdisho lagula eegtay ciidamo ka tirsan dowladda Somalia

$
0
0

Labo qarax oo aad uu xoogan  ayaa lagu weeraray ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Qaraxa koobaad ayaa lagu weeraray ciidamo dolwada ka tirsan oo ku sugan shaneemo lagu magacaabo  Cabdi Waayeel oo ku taala degmada Huriwaa, waxaana qaraxaas oo laga maqlay guud ahaan degmada Huriwaa lamana oga khasaaraha ka dhashay, inkastoo la sheegayo in uu geystay dhaawacyo soo gaaray ciidamada dowladda.
Qaraxa kale ayaa  ka dhacay Xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan, kaasoo lagu qaaday ciidamo ka mid ah kuwa dowladda ee ku sugan degaankaas.
 
Sidoo kale qaraxan oo ahaa mid aad u xooggan ayaan la ogeyn khasaaraha uu u geystay ciidamada dowladda, waxaana la sheegay in ciidamadu ay fureen  rasaas aad u xooggan oo sidoo kale aan la ogaan weli waxyeellada ay geysatay.
Magaalada Muqdisho ayaa weerarada noocaan oo kale iyo dilalka qorsheysan ka nasteen, balse hada waxa ay u muuqdaan inay soo noqonayaan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>