Silislddan Sallaamaleey waxay billaabatay sanadkii tagay, waxaa daah furay
Abwaan Xasan Faarax Abiib
( Xasan Daaci)
kuna daah furay Gabaygii ahaa : (Saamax).
Silisladda
waxaa ka qaybqaatay Abwaanno badan, oo kala jooga dalka gudihiisa iyo dibaddiisa,
ujeedka loo furay Silsiladda ba ahaa in ay ku kala garqaataan labada Gobol ee
Soomaaliya la isku yiraa, oo gobolka Waqooyi sheegtay inuu ka go’ay dalka
intiisa kale.
Silsiaddu
waxay socotaba, oo la is dhaafsado Gabayaba, maanta waxay gaartay xilli la
xiray, sida loo xirayna waa tan.
Gabaygan magaciisu waa: ''SiddiQabax''
Gabaygani wuxuu gunaanad u yahay ama afmeer Silsiladdii
''Sallaamleey'' waana Gabayga ugu danbeeya Silsiladdan. Gabaygiina waa
sidan ee ka bogasho wacan:
“SiddiQabax”
Siiq iyo murtiba ruux leh baad, sowdki maqashaaye
Sadarkeeda kii garanayaa, lagu sabaalshaaye
Sarbeebteeda maansada ayaa saaqda gibilkaaye
Markuu nimaan sifayn karin macnaha, tiriya
suugaanta
Ama uu sirgacan uga dhigee, seedka ka habowsho
Saamac kuma noqdaan dheguhuye, way ka salalaane
Bal saabsho luuqdeeda saxo, yaanan saas noqone.
Sabannadanba waataan la furin, seetadii gabaye
Waataan samaan looga talin, suu ahaan jiraye
Waataan sidqiga looga hadal, suluxu waa deeqe
Waatii raggii saabin jiray, Mowdku saanyadaye
Ha yeeshee sed kuu maqan marbaad, sahayataa jeere
Sugbag kuu dhitaysnaa mar baad, saad ka dhigataaye
Sibraarkaad ka shubataa markuu, suluf dillaacaaye
Bal aan suunka dhiishii ka furo, waa la sugayaaye
Siinleydan curatiyo murtidan laysku, wada saabshay
Sooyaalka laga soo hadliyo, suganta taariikhda
Iyo sahanka noo maqan in tuba, waa sed noo dhigane
Mid waliba samaantuu lahaa, waan la socnnaaye.
Kuma seegto xaajadu hadduu, sahan horreeyaaye
Sidrigaaga gali waa sidii, sadarka diimeede
Yaan laga salsalin talada waa, lagu samaadaaye
Safkii labadan gobol ee xurnimo saaray calankeena
Seddaxdaa kalee inaga maqan waa, la sugayaaye
Sinjigooda iyo magacu waa, lagama suulaane
Sowracu mid weeye ma lahan, siirad gooniyahe
Seeddiyo Abtay wada yihiin, saaxib wada yaale
In kastuu Sarkaal Cadi u dhigay soohdin kala qaybsan
Sokeeyiyo tol weeyaan marnaba, kala socdaalayne
Waa geed salkii hoose iyo laamihii sare‘e
Seedda hilbaha laysa suroo soohan weeyaane
Ha yeeshee sumadi waa middaad, sax ugu jeeddaaye
Haddaan saani loo arag runtii oon, sax loo sheegin
Sabadiyo dhulkaagaa nin kale, surin ka yeeshaaye
Oo Seenyadii aad lahayd, cadawgu soofshaaye
Nin kastoo socdaa hela in uu suro hoggaankiise
Haddaan garabka seef kuu surnayn, saanadna u haysan
Oo aadan soodhkaagii wadan, sowdku kaa dhimaye
Samir iyo dulqaad baa dunidan, lagu sugnaadaye
Haddaad salan sashaan waa waxay, nala sugaayeene
Ninkii sax u fakara maalinbuu, samada gaaraye
Ha u seexanina cadawgu wuu, nagu siqaayaaye
Wax su‘aashu tahay oo caqligu, sugayo sheeggeeda
Seddax Dibi Libaaxii siree, saatay noloshooda
Sooryeystay hilibkoodii ee,
subaxba neef loogtay
Sideen uga badbaadna tubtii
baan, ku soconnaaye?
Siniin badan iyo dheeraad ninkii sirayay reerkaaga
Sasabada dhallaankoo kale, kugu samaynaayay
Silacaaga mooyee ninkii, samaha kuu diiday
Surinkoo Libaaxya leh ninkii, socodka kuu baaqay
Sogsogtiyo Cadaadkii ninkii, laanta kugu sayray
Saymo roobki aan di’in ninkii, sahanki kuu sheegay
Sooryada ninkii kaaga dhigay, saanta gibilkaaga
Salli qodax leh mooyee ninkaan, suufka kugu seexin
In aad kala sisibataan ninkii, saanta ugu jooga
Wali waydin sugayaa in aad, saban sabbaysaane!
Ha u seeta dheereyn
ninkaad, saari gacantaada!
Raggii siinka maansada widow, sowd yar iga hooya
Adinkaa sinnaantii wadee, saxa ujeedkeeda
Sun walaaqan lama doonayee, saxal ka dheereeya
Saxariir ku raagtaye markaan, saxansaxeed sheega
Simbiriirix waatuu dilee, sare u soo jooja
Sidrigaa xanuun kaga dhecee, saafi uga mayra
Siddi qabax ma joogtee ragyohow, socodka dhereeya
Sahankeedu wuu maqanyahee, saani ugu fiirsha
silsiladdaa cadaawuhu ku
xiray, seefta uga gooya
Sumcaddeedii way maqantehee, suurad wacan keena
Siday dunidan ula socon lahayd, sax uga faallooda
Hana seeginina marinku waa,
seedka loo maro’e
Ku saleeya sooyaalka iyo,
sowdka odayaasha.
Siinlaydan maantiyo middii,
saban la soo dhaafay
Iyo sowdka maansadu waxbay,
noo sawirayaane
Nimanbaa saqdii dhexe u
kacay, in ay sameeyaane
Hadba sibiq wixii nagu
galay, sir ugu sheegeene
Kana suuli maayaan intay,
saaranyiin duniye
Aniguna sidoodoo kalaan,
saaka aan ahaye
Waxan uga socdaa kama
dambays, siinku noo xirane
Anigaa sameeyoo ku xiray, saanta xoolaha’e
Ka sal guuri maayee tanaan,
seetada u xiraye
Anagoo saf kaliyata baan,
siinleey noo curane
Anagoo samaantii helnaa,
siinleey noo curane
Ama waa sabaan kale markii
saxal dhammaadaaye
Sallaamaleey anaa soo
xiroo, suunka ku adkeeyey
Ninna yaanu saabkaa ka
furin saaka dabadeed.
Dhammaad.
Hal abuurkii:
yaxye Xaashi Maxamad
Asad75love@hotmail.com
geesilove@hotmail.com