Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Munaasabad Waaxda Jinsiyadaha iyo socdaalka dhismo ay ku shaqeyneyso lagu Furayay oo ka dhacday Muqdisho

$
0
0

Muqdisho(Sh.M.Network)—Munaasabadani oo ahayd mid xarigga looga Jarayay dhismo Cusub oo uu ku shaqeyn doono Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta waxa ay ka dhacday Gudaha Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
Dhismahaani ayaa la sheegay in ay ku kacday Malaayiin Dollar waxaana Hirgalinteeda iska kaa shaday dowladaha Soomaaliya iyo Japan iyadoo ay taba barro Joogta ah ku qaadan doonaan Saraakiil ka tirsna Hoggaanka Socdaalka.
Sareeye Gaas Cabdullaahi Gaafow Max’uud oo ugu Horeyn Munaasabadaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in Dhismahani uu dabooli doono Baahidii Shaqaalaha ka haysatay ku shaqeynta aaladaha Casriga ee laga Isticmaalo Caalamka.
Wasiirka arrimaha Gudaha iyo amniga qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Kariin Xuseen Guuleed oo xarigga ka Jaray Dhismahaasi Cusub ayaa ugu horeyn  waxa uu umahad Celiyay dowladda Japan oo uu sheegay in ay ka soo baxday Booskii ay ka filayeen Shacabka Soomaaliyeed isagoona tilmaamay in Dhismhani uu qiimo weyn ugu fadhiyo Shacabka Soomaaliyeed.
Gaba Gabadii Munaasabaddaasi ayaa waxaa ka hadlay Safiirka dowladda Japan ufadhiya Soomaaliya Ambasador Nakata kaasi oo sheegay in dowladda Japan aysan waxba kala hari doonin dowladda Federaalka Soomaaliya isagoona ku amaanay Xukuumadda Federaalka Mudadii Yareed oo ay dhisneed in ay ku tallaabsatay Horumar la xiriira dhinaca ammaanka iyo arrimaha Bulshada.
Sikastaba ha ahaatee waxaa Muddooyinkii ugu dambeeyay ay waday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya dib udayactir ay ku sameynaysay Goobaha loogu Adeego Bulshada Soomaaliyeed.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>