Muqdisho(Sh.M.Network)—Howlgalkaani oo maanta si wada jir ah kaga sameeyeen qaybo ka mid ah Degmada X/Weyne Ciidamada Dowladda iyo Booliska AMISOM ayaa waxa ay ku bur buriyeen Goobo Ganacsi oo ku yaallay Hareeraha waddooyinka dhexmara Degmadaasi.
Qaar Ka Mid ah Ganacsatada laga Bur buriyay Dukaamada ay ku ganacsanayeen oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay Sheegeen in iyagoo aan lagu wargalin uu Maamulka Gobolka Banaadir amar ku bixiyay in la Bur buriyay Goobaha Mehradahooda Ganacsi ay ku heesteen taasina ay tahay wax laga Xumaado
Ganacsatadaan ayaa Sidoo kale waxa ay tilmaameen in ay hanti fara badan kaga luntay intii ay maanta socotay Howl Galka lagu Bur burinayay Goobaha Ganacsi ee ku teedsan waddooyinka qaar ee dhex qaada Degmada X/Weyne Gaar ahaan Nawaaxiga Masjidka Marwaaz iyagoo sidoo kale Cabasho Ka muujiyay qaabka ay ula dhaqmeen Ciidamada waday Howl galka ku aadan Bur burinta.
Dhinaca kale dadkaan ayaa ka codsaday dowladda Soomaaliya in ay usameyso dowladda meelo ay ku ganacsadaan Maadaama ay yihiin dad danyar ah noloshooduna ay ku tiirsantahay Ganacsigaasi yar yar.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa inta badan lagu eedeeyaa in iyagoo aan cidina war gelin in ay Bur buriyaan Goobo Ganacsi oo dad danleey ah noloshoodu ku tiirsantahay
↧
AMISOM iyo Ciidamada dowladda oo howl gal Bur burin ah ka sameeyay Degmada X/weyne
↧