Niarobi(Sh.M.Network)—Mas’uuliyiinta Soomaaliya waa in ay sii dayaan saxafi iyo labo qof oo kale oo lala xiriirinayo haweyney sheegtay in ay kufsadeen ciidamada dowladda Soomaaliya.
Booliska Magaalada Muqdisho ayaa xiray Wariye Abdiaziz Abdinur Ibrahim isagoo aan wax dacwad ah lagu soo oogin, waxana uu xiranyahay tan iyo 10kii bishan January ee 2013ka.
“Booliska Soomaaliya waxa ay xireen saxafi iyo haweyney la kufsaday, halka dadkii falka kufsiga lagu soo eedeeyay ay xiranyihiin,” sidaasi waxaa sheegay Daniel Bekele oo ah Agaasimaha Human Rights Watch ee Africa. “Dowladda cusub ee Soomaaliya waxa ay u baahantahay in ay hubiso in boolisku uu qeyb ka yahay xalka xadgudubyada ay geysanayaan Ciidamada Amaanka, qeyb kama ahan dhibaatada.”
Bishan January 10-dii Waaxda danbi baarista booliska Soomaaliyeed ee (CID) oo Muqdisho ku taalla ayaa xirtay haweyney sheegtay in ay kufsadeen ciidamada dowladda bilo ka hor iyada iyo gabar kale oo lala soo xiriiriyay saxaafada si warka arrinkaa ku aadan ay xog uga hesho.
Human Rights Watch ayaa sheegtay in aysan awood u laheyn in ay baarto kufsiga la sheegay in loogeystay haweyneydaasi.
Intii lagu gudajiray baaritaanka howshan ayaa hogaamiyaha CID Janaraal Cabdulaahi Xasan Bariise waxa uu si xoog ah u weydiistay kagana qaatay Lambarada saxafiyiintii wareystay.
Booliska oo adeegsanaya talfoonka haweynayda la kufsaday ayaa wacay Cabdi Casiis Cabdi Nuur Ibraahim oo u shaqeynayay Simba Radio iyo Badri Media Productions kaasi oo dhawaan wareystay dhibanaha, waxana ay u sheegeen in uu xafiiska CID-da yimaado, waxana su’aalo kaddib la sheegay in laxiray.
Haweyneyda dhibanaha aheyd ayaa la sii dayay 11 January markii ninkeeda uu yimid goobtii ay ku xirneyd waxana boolisku ay go’aansadeen in ay isag ku badlaan sida laga soo xigtay ilo lagu kal soonaan karo. Waxaa sidoo kale jira in haweyney kale oo arintaan xiriir la leh ay xirantahay.
Arrintan ayaa u muuqatay mid xiriir la leh Maqaal lagu daabacay Al Jazeera bishan 6-deedii taasi oo muuujineysay in barakacayaasha ku dhaqan Muqdisho ay la kulmaan kufsiga ugu faraha badan.
Sida laga soo xigtay saxafiyiin deegaanka ah CID-da ayaa u heysata Koronto in uu wax ka soo saaray maqaalka lagu daabacay Al Jazeera, inkastoo Cabdi Casiis uu san u sahqeyn Al Jazeera hadan labo maalin kaddib maqaalka markii uu soobaxay ayuu wareystay haweyneda dhibanaha ah.
↧
Human Rights Watch : Dowladdu hasii deyso Haween iyo Saxafiyiin ay xirtay
↧