Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali ayaa digniin udiray qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah kadib markii maantay degmada burtinle ee gobalka nugaal labaajiyey mudaharaad ay soo abaabuleen siyaasiyiin mucaarad ah
Guddoomiyaha oo saxafadda kulahadlay garoowe ayaa sheegay in aan la diidaneeyn Mucaarad si sax ah wax u dhaliila ama u toosiya dawladda, balse ma yeelayno in dadka been lagu abaabulo,oo ay dhacaan falal amaan daro,ama ay ka faa’idaystaan dadka ka soo horjeeda nabadda Puntland”ayuu yiri Guddoomiyaha
Dhinaca kele Faarax Maxamuud Jaamac (Salwe) gudoomiyaha Burtinle ayaa Saxaafadda u sheegay inaysan raali ka noqon doonin in degmada uu masuulka ka yahay lagu dhex qabto bannaan baxyo iyo shirar ka dhan ah dawladda in ciddii isku daydana ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan
Digniintaan ka dhanka ah mucaaradka ee kasoo yeeraysa maamulka goblka nugaal ayaa ah markii labaad iyadoo bisihii hore ee sanadkii tagay daba yaaqadiisii uu Guddoomiyaha Gobalka nugaal ujeediyey in gudaha garoowe aan lagu qaban karin wax shir ah oo kasoo horjeeda mamaulka
Sikastaba ha ahaatee hadalkaan maamulka Nugaal kayimid ee ku wajahan siyaasiyinta mucaaradsan halka sano ee xukumadda madaxweyne faroole uu sheegay in looga gudbayo nidaamkii qabaliga ee looga hayaamayo nidaamka wax qabsiga xisbiyada badan ayaa waxaa ka hor imaanya siyaasiyiin quudaraynayay qabashada xilka madaxweynaha
↧
Burtinle Oo Banaan Bax Uu Ka Dhici Lahaa Iyo Maamulka Gobalka Nugaan Oo Markale Kadigay Qabashada Shirarka Iyo Banaan Baxyada
↧