Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Kulan Xasaasi oo kadhacay Garoonka Magaalada Muqdisho Loogana Hadlaayay Sidii Xayiraada Looga qaadi lahaa Soomaaliya

$
0
0

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Cabdixakiim Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa ka codsatay Qaramada Midoobay in Soomaaliya laga qaado cunnaqabateynta hubka.
Wasiirka ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay wafdi ka socday Qaramada Midoobay.
Wuxuu sheegay in ay wafdiga u gudbiyeen codsigooda ku aaddan in Soomaaliya laga qaado xayiraadda dhinaca hubka, isagoo xaqiijiyay in ay wada-hadalladu sii socon doonaan.
Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in ay wafdiga kala hadleen sidii ay Qaramada Midoobay howlo bini’aadannimo uga fulin lahayd gobollada laga saaray Al-Shabaab.
Dhinaca kale, Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa ka warbixiyay safarro uu ku tagay dalalka Uganda iyo Kenya.
Wasiirka ayaa sheegay in masuuliyiin ka tirsan dowladda Uganda oo uu la kulmay ay isku afgarteen in tababarkii ciidamada dowladda Soomaaliya lagu siin jiray gudaha dalka Uganda loo wareejiyo gudaha dalka Soomaaliya maadaama dowlad rasmi ah dalku yeeshay.
Sidoo kale, Kenya ayuu sheegay inuu kula kulmay dhiggiisa dalkaasi, Yuusuf Xaaji oo uu sheegay inay ka wada-hadleen xaaladda Jubbooyinka, sidii loo xoojin lahaa ammaanka goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada Kenya iyo tababar ay Kenya siinayso ciidamada dowladda Soomaaliya, si ay ula wareegaan mustaqbalka dhow guud ahaan ammaanka dalka.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>