Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Khaliif Erag: “Idaacada Shabelle in la xiro Wasiir baa is hortaagay”.

$
0
0

Taliyaha Hey’adda Nabad Sugida Qaranka Khaliif Ahmed Erag ayaa si kulul u weeraray Wasiirka Arimaha Gudaha in uu diiday in la xiro Idaacada Shabelle oo ka soo horjeedo Dowlada ayadoo dacayado ka dhan ah baahineeyso.
Shabakada Balcad.com oo la xiriirtay Taliyaha ayaa wax ka weydiisay in Ciidamado uu amray in ay Alabaabada isugu dhuftaan Idaacadaasi balse laga hor istaagay Talaabadaasi waxuuna yiri asagoo ka hadlayay arintani.
“Idaacada Alqaacidaada ah ee Shabelle waxaa dhabarka xigsaday oo diiday in la xiro Wasiirka Arimaha Gudaha Abdi Kariin Xuseen Guuleed”
“Shacabka Soomaaliyeed iyo Madaxda Dowalda waa ka war hayaan dhibta ay Idaacada Shabelle ku heyso Nabada iyo horumarka ka soconaya Dalka ma aqaano sababta uu wasiirka u diiday Malaha waa isku qabiil ninka leh” ayuu u sheegay Taliye Erag Balcad.com.
Si kastaba ha ahaatee hadalka ka soo yeeray Taliyaha Hey’adda Nabad Sugida Qaranka ayaa imanaya xili toosha uu saaran yahay Idaacada Shabelle oo mar walba lid ku ah Hey’addaha Dowlada ayadoo u hadashay si mucaarad dowladeed oo kale ah balse lama yaqaano in sababaha wasiirka uu u diiday in Idaacadaasi la xiro.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>