Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Raisulwasaare Saacid oo Goor dhow Gaaray Degmada Afgooye iyo Amaanka oo Loo Adkeeyay Si aan hore loo Arag

$
0
0

Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa booqasho ku tagay maanta Degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha hoose.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa ku wehlinaye Wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Xukuumadda Soomaaliya taliyaha ciidamada Nabadsugida Taliyaha ciidamada Booliiska iyo saraakiil kale.Ra’iisul Wasaare Saacid oo kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobalka Shabeelaha hoose gaar ahaan Degmada Afgooye ayaa wuxuu sheegay in Xukuumadiisa aysan udulqaadan doonin in ciidanka ay dhibaatooyin kala duwan ugeestaan shacabka.
Wuxuu sheegay in Xukuumadiisa ay ku dadaalayso sugida dhanka ammaanka goobaha ay Dowladda Soomaaliya gacanta ku hayso islamarkaana ay ku dadaalayaan ammaanka deeganada ay Dowladda ay maamusho.
Waa booqashadii ugu horeysay ee uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku tago Magaalada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha hoose tan iyo markii lasoo magacaabay.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>