Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Dhageyso: Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland oo kulan wadatshiya la qaatay 6da urur siyaasadeed Puntland.

$
0
0


Guddoomiyaha guddiga doorashada Puntland Maxamed Xassan Bare (Shimbiralaaye)
Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa markii ugu horaysay ayaa shir watashi ah maantay xafiiskooda kula qaateen guddi ay iska dhex-doorteen 6-da urur siyaasadeed ee kusoo baxay wajigii 1-aad ee ururada siyaasadeed ee Puntland.
Guddoomiyaha guddiga kumeel-gaarka ah ee doorashada Puntland Maxamed Xassan Bare ‘Shimbiralaaye’ oo lahadlayay warbaahinta Radio Daljir ayaa sheegay inay qorayaan ku dhawaad 300 oo qof, kuwaasoo guddiga doorashooyinka u fariisan doona gobollada, degmooyinka iyo tuulooyinka gobollada Puntland.
Shimbirilaaye Waxuu wareysigiisa ku sheegay in ay meel wanaagsan umarayaan nidaamkii dimuqraadiyada Puntland, Iyadoo dhawaana uu sheegay in kulamo la qaadanayaan ururada bulshada rayidka Puntland.
Dhinaca kale Gadoomiyaha KMG ah ee doorashooyinka Puntland wuxuu ka gaabsaday inuu tafaasiil ka bixiyo cabashooyin kasoo yeertay xubo katirsan ururadii siyaasada Puntland ee ku haray wareegii koowaad ee tartanka ururada siyaasada, Waxaana uu ku gaabsaday oo kaliya inaan wax cabasho ahi soo gaarin guddigooda.
Xafiiska wararka Buraannews.com
Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>