Wafdi ka socda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka qayb galaya shirka dhaqaalaha adduunka oo ka dhacaya magaalada Davos ee dalka Switzerland.
Wasiiru-dowlaha xafiiska madaxtooyada ee dowladda Soomaaliya Dr. Faarax Sheekh Cabduqaadir iyo wafdi uu hoggaaminayo, oo ka qayb galaya kulanka ayaa lagu wadaa inay madaxda caalamka ee dhinaca dhaqaalaha iyo horumarinta hor dhigaan in ay ka qayb qaataan sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dib uga soo kabashada muddadii burburka.
Wasiiru-dowlaha ayaa la sheegay in ay u qorsheysan tahay in uu bandhigo qorshaha ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso in lagu dhiso dhaqaalaha Soomaaliya iyo waxyaabaha aasaasiga u ah horumarka dalka.
Dr. Faarax Sheekh Cabduqaadir iyo xubnaha la socdo ayaa sidoo kale ka qayb gali doona kulan gaar ah oo looga arrinsanayo sida Soomaaliya loo caawin karo.
Kulanka gaarka ah, oo ay ka qayb gali doonaan wasiirro ka kala socda Canada, Norway, Ingiriiska, Qadar, Switzerland, Turkey iyo wakiillada ururro caalami ah ayaa la filayaa in si gaar ah dowladda Soomaaliya loogu ballan-qaado qorshayaal dhaqaale oo lagu soo celinayo amniga iyo dhaqaalaha.
Kulanka dhaqaalaha caalamka ee Davos oo sanadkiiba mar la qabto ayaa waxaa isugu yimaada madaxda dhinaca dhaqaalaha iyo horumarinta u qaabilsan dalalka caalamka.
↧
Wasiiru-dowlaha xafiiska madaxtooyada oo kaqeyb Galaayo Shir Looga Hadlaayo Dhaqaalaha Aduunka
↧