Muxubo Cabdi Cali oo kamid ah maxaabiis Soomaaliyeed oo iyaga oo tahriibaya ay ciidamada dalka Liibiya ku xireen duleedka magaalada Taripoli ee xarunta dalkaasi ayaa waxa ay kawar bixisay dhibaatooyin aad u badan oo lagu hayo.
Gabadhaasi ayaa waxa ay hoosta ka xariiqday in maxaabiistaasi oo 18 kamid ah ay haween yihiin halka 110 kalana ay rag yihiin, kuwaas dhibaatooyinka lagu hayo ay ugu daranyihiin kufsi ciidamada Liibiyaanku kula kacaan haweenka intey iska soo galaan xabsiga ay kujiraan.
Waxa ay intaa sii raaisay in ragana lagu shaqeesto oo guryaha lagu dhisto beeraha lagu falo kadibna iyaga oo duruufeysan lagu soo celiyo xabsiga.
Gabadhaan Soomaaliyeed ayaa waxa ay kawar bixisay waqtiga ay xabsigaasi galeen iyo halka laga qabtay, iyada oo hoosta ka xariiqday in bishii sagaalaad ee sanadkii hore iyaga oo laga qabtay saxaraha xilli ay dalkaasi Liibiya gelayeen.
Maryan ayaa waxa ay kacodsatay safaarada Soomaaliya ee liibiya si arintooda wax looga qabto oo xuriyadooda dib loogu soo celiyo.
Soomaali badan ayaa waxa ay ka buuxaan xabsiya badan oo ku yaalla dalalka aduunyada kuwaas oo tacadiyo kala duwan loogu geesto, inta badanna Soomaalidaasi waxaa laqabtay iyaga oo tahriibaya oo baadi goob ugu jira in ay helaan nolol uga wanaagsan tii Soomaaliya ay ku heesteen.
↧
Muxubo Cabdi: “Si aan gambasho laheyn ayaa naloo faraxumeeyaa Anaga..”
↧