Dagaalo ayaa waxay xalay ka dhaceen Magaaladda Baladweyne ee Gobolka Hiiraan, iyadoo dagaalada ay soo qaadeen Ciidamadda Xarakada Al Shabaab oo ku hubeysan qeybaha kala duwan ee hubka.
Dagaalada ayaa waxay ka kala dhaceen Xaafadaha Hawl Wadaag iyo Buundo Weyn, waxaana weerarada lagu soo qaaday fariisimo ay goobahaasi Ciidamadda Maamulka Dooxada Shabelle ku lee-yihiin, isla-markaana waxaa ka dhacay khasaarooyin kala duwan.
Dagaaladaan oo ay labada dhinac isku adeegsadeen qeybaha kala duwan ee hubka, ayaa waxaa si weyn looga maqlaayay inta badan Xaafadaha Hawl Wadaag iyo Buundo Weyn ee Magaaladda Baladweyne, isal-markaana waxay shacabka ka muujiyeen cabsi xoogan.
Labada dhinac ayaa waxaa la-sheegay in dagaalada ay ka soo kala gaareyn khasaarooyin iskugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed, mana jirto wax khasaaro ah oo dagaalada la-sheegay inay ka soo gaareyn shacabka ku dhaqan Magaaladda Baladweyne.
Taliyaha Guud ee Ciidamadda Maamulka Dooxada Shabelle Korneel Isaaq Cali Cabdulle,ayaa wuxuu qiray in dagaalo ay ka kala dhaceen Xaafadaha Hawl Wadaag iyo Buundo Weyn, isla-markaana wuxuu ku faanay inay jab u geysteen Xoogaga Shabaab.
Dagaalada ka dhacay Xaafadaha Hawl Wadaag iyo Buundo Weyn ayaa waxay cabsi xoogan ku beereyn shacabka ku dhaqan Magaaladda Baladweyne, isla-markaana waxaa laga cabsi qabaa in Ciidamadda Dowladda Itoobiya ay hawl-gallo ka sameeyaan Magaaladda Baladweyne, ayna wax-yeelo ugu geystaan shacabka.
↧
Dagaalo khasaaro geystay oo ka dhacay Magaaladda Baladweyne iyo Maamulka Dooxada Shabelle oo guulo ka sheegtay
↧