Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki-Moon oo maanta ka hadlaayay shirka midowga Africa ee ka socda magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay gargaar caalami ah.
Wuxuu sheegay in Soomaaliya fursado badan oo laga faa’ideesan karo dib u dhiska dalka ay ka soo baxeen kaddib markii meelo badan dalka laga saaray buu yiri kooxda Al-Shabaab.
Waxa uu intaas sii raaciyay dabayaaqada bishan in uu u gudbin doono golaha loo dhan yahay ee QM talooyin ku aadan siddii loo xoojin lahaa is-kaashiga iyo wadashaqeynta u dhexeesa midowga Africa iyo QM ee ku aadan Soomaaliya.
“QM iyo midowga Africa waxa ay sii wadaan in ay si dhow uga wadashaqeeyaan arrimaha Soomaaliya, markii Shabaab laga saaray magaalada Kismaayo iyo deeganno kalena waxa ay horseeday nabadgalyadii, waxaana ay gacan ka geesatay dimuquraadiyad ka dhalata Soomaaliya” ayuu yiri Ban.
Wuu sii hadlay Mr. Ban “ Dhammaadka bishan waxan hordhigayaa golaha ammaanka QM qaraar ururka iyo kan midowga Africa kaga wadashaqeenayaa xasilinta Soomaaliya iyadoo la maalgalinayo ciidamada AMISOM”
Dhinaca kale, guddoomiyaha midowga Africa Dalamina Zuma ayaa sheegtay in ay dib u soo cusboonaadeen kooxo islaami ah oo doonaya in ay xukunka ka tuuraan dowalado si shari ah u disnaa.
“Waxa soo badanaya kooxo falaaga ah oo xukunka ka ridaya dowlad si dimuquraadi ah loo doortay, haddaba midowga Africa wuxuu sii adkeenayaa awooda uu yeelan karo in uu difaaco dowladahaas sida dimuquraadiga loo soo doortay, taasina waxa ay ku immaaneysaa ciidamo gaar ah oo si degdeg ah uga jawaaba baahidan oo kale marka ay timaado”
Si kastaba, shirkan ayaa arrimaha hareen doona waxa meel sare kaga jira khalalaasaha ka taagan dalka ku yaalla galbeedka Africa ee Maali, iyo arrimaha Soomaaliya.
Shirkan oo ah kii 20-aad ayaa waxa uu ku soo aadayaa iyadoo midowga Africa uu isku diyaarinaayo dabaal degga 50-guuradii ka soo wareegtay tan iyo markii la aasaasay.