Siyaasiga Prof: Axmed Maxamuud Nuur oo ah Siyaasi gobolka Sanaag ka soo jeeda oo ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Taladda haya ee KULMIYE ahaana Guddoomiye xigeenkii Saddexaad ee urur Siyaasadeedkii laga guulaystay ee Umadda ayaa Maamul goboleedka Butland ku Eedeeyay inay faro gelin ku hayso Deegaano Somaliland ka mid ah oo bariga Somaliland ku yaala” Prof:Axmed Maxamuud Nuur ayaa sheegay in ay si wayn ula socoto Xukuumadda Somaliland dhaq dhaqaaqyada uu sheegay inay Maamulka Butland ka wado bariga Gobolka Sanaag halkaas oo uu shagay inay joogaan Wasiiro ka tirsan Butland oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland,waxa uu sido kale Siyaasiga Axmed Maxamuud uu umadda reer Somaliland ku booriyay in aanay u dheg dhigin aqoonsiga dhawaan Mareykanku dawladda Somalia siiyay isago ku tilmaamay aqoonsigaasi mid durbaan meel cidla ah laga tumayo, Prof:Axmed Maxamuud Nuur oo Waraysi siiyay Wargeyska Saxansaxo isaga oo arimahaasi ka hadlayay waxa uu yidhi “Waxa aan uga digayna Maamulka Butland dhaqdhaqaaqa ay ka wada Sanaag barri gaar ahaan magaaladda badhan halkaas oo sida ay sheegayaan wararka aanu ka leyno Deegaankaasi ay ku soo wajahan yihiin qaarkoodna aabay joogaan iyago u gogol xaadhaya urur dhawaan lagaga dhawaaqay Maamulka Butland ee Koonfurta Somalia iyado arintaasi ay Tuurta ku sitaan Niman Wasiiro ahi oo u dhashay Gobolka Sanaag ee waliba ah reer Somaliland,marka waxa aanu digniin ka siinayna Nimanka ku hawlan arintan iyo wixii la nooc ah inay Faraha kala baxaan anaguna hadii aanu nahay ka Maamul ahaan Somaliland waanu ka soo hor jeedna,waxanan ugu digayna arimahan ay faraha kula jiraan ee Foosha xun ee Maamulka Koonfurta Somaliya ee Butland ay ku soo fara gelinayso Xuduudaha Somaliland iyado aanay ahayn markii koobaad ee ay arimaha faragelinta ah ee noocan ah ay ku dhaqmaan balse ay marar badan oo hore ay ku kaceen arimo noocan oo kale ah,anaga oo uga digayna dhamaan Koonfurta Somalia iyo Maamulka Putland-ba inay fara gelinta ka wada joojiyaan oo faraha kala baxaan Dawladda Somaliland iyo Xuduudaheeda ay la leedahay Somalia si ay u noqdaan laba dawladood oo jaar ah. Prof: Axmed Maxamuud Nuur oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Dawladda Somaliland ma arki karto wax Xisbi la yidhaahdo oo ka soo talaabay Koonfurta Somalia iyo Maamulka Butland xata hadii uu meel kale ka yimaado oo sifo aan sharci ahayn uu u soo galo Gobol ka mid ah dalka yaga adeer ma ogolin, marka arintaasi aad ayaanu uga digayna oo Caalamka gaar ahaan IGAD u ogaysiinayna wixii halkaas ka soo baxa ee isku dhac ah in Masuuliyadeeda ay qaadi doonaan Maamul Gobolka Putland, Prof:Axmed Maxamuud Nuur ayaa raaciyay in Colaada Putland bariga Somaliland ka hurinayso ay dabada ka riixayaan Aqoonsiga uu sheegay in Waddanka Mareykanku siiyey dawladda Somalia waxanu yidhi “Waxa aanu u arkayna inay arintan dabada ka riixayaan Durbaanka imika Wishiongton mareykanku uga tumay Somalia kaas weeyaan sida ay ila tahay waxa arintan halkaasi ka socota dabada ka wada iyado ay tahayna wax iska khiyaali ah waayo run ahaantii hadii aanu nahay dawladda Somaliland waxa aanu mar walba ka soo horjeedna in Xuduudahayaga Somaliland hal talaabo lagu soo xad gudba oo sifo sharcidaro ah si dhuumaalaysi ah layskaga soo galo taasna adeer dal ogolaanaya in dalkiisa layska soo galo waynu ognahay in aanu jirin,waxana laga wada war qaba in Qadiyadda Somaliland iyo gooni isku taageedu yihiin lama taabtaan aanu wax muran ah iyo Gorgortantoona cidna laga yeelayn,iyado qodobka ugu muhiimsanina yahay in aan lagu soo gaban durbaanka Mareykanka laga tumay ee sheegay in Ictiraaf Somalia la siiyay iyado anaga ka siyaasi ahaan aanu ahaynba mid mudan inay Umaddayada reer Somaliland aanay iskuba mashquulin,waayo horeba ilaa iyo Sh Shariif ka hore kolba Ictiraaf ayuu Maraykanku Muqdisho keenayay wax ka socdayna may jirin”
Hargeysa Somaliland
↧
Siyaasi Ka Soo Jeed Bariga Sanaag Oo Puntland Uga Digey Faro Gelin Ay Ka Wado Deegaamada Bariga Somaliland
↧