Haweeneyda midawga yurub u qaabilsan arimaha dibada katriin Ashton ayaa shegtay in midawga yurub ay ka go,an tahay in uu qabto kulan ay kasoo qeyb galayaan dawladaha deeqaha bixiya kaasi oo la doonayo in lacago loogu ururriyo dawlada cusub ee
Soomaaliya.
Kartiin Ashton oo shir jaraa’id ah ku qabtay magaalada Brussels ee xarunta wadanka biljimka uuna goob jog u ahaa madaxweynaha jamhuriyada Somalia mudane xasan Shiiq Maxamud ayaa tilmaantay in dawladda Soomaaliya kala shaqeen doonaan sidii Soomaaliya wadcigaan adag looga saari lahaa.
Mrs ashton waxa ay sidoo kale sheegtay in Soomaalia waqti cusub ay u bilaabatay,Waxaana y xaqiijisay in ururka midawga yurub Soomaaliya kala shaqeen doonaan dib u dhiska wadanka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhankisa saxaafada u sheegay in dalkiisa uu u bahan yahay in uu ka gudbo qaanada gargaarka una gudbo in laga taageero dhanka kobaca dhaqaalaha taasi oo uu sheegay inay ku imaan karto taageero dawladiisa ay ka hesho beesha caalamka.
Midowga Yurub ayaa horey lacag dhan 168 malyan Auro ah ugu deeqay Soomaaliya Iyadoo lacagtaasina la shaaciyay in ay tahay midi ugu badanyd ee midowga Yurub uu ugu deeqo Soomaaliya.
Buraannews.com- Brussels.
Written by Reporter 1
↧
Midawga yurub oo shaaciyay in uu qabanayo kulan lacago loogu uruurinaayo Somalia.
↧