Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) oo ka mid ah Culimada waaweyn ee Somaliland, isla markaana ah imaamka Masaajidka Furqaan ee Magaalada Hargeysa, ayaa khudbadiisii Jimcaha ee Maanta, waxa uu ku soo qaatay sida uu u arko Khudbaddii Sannadlaha ahayd ee Madaxweynaha Somaliland Axmed Siillaanyo uu Arbacadii ka jeediyey Goleyaasha Baarlamaanka, waxaanuu sheekhu sheegay inaanay khudbaddaasi ahayn mid si sax ah uga hadlaysa waxyaabihii dalka ka dhacay ee dhabta ahaa.
Sheekh Aadan Siiro, waxa uu sheegay inaanuu Madaxweynuhu ka hadal dhibaatadii ka dhalatay Doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka ee keenay khasaaraha dhimasha iyo dhaawacaba leh, waxaanuu yidhi “ Madaxweynuhu Khudbaddiisii kumuu soo darin dulmigii iyo ku shubashadii ka dhacday Doorashadii Goleyaasha Deegaanka, waana nasiib darro, inuu manta madaxweynaha dalku ka hadli waayo wixii ka dhacay dalka”
Hargeysa Somaliland
↧
Sheekh Aadan Siiro Oo Khudbaddii Madaxweyne Siillaanyo Ku Tilmaamay Mid Baal Marsanayd Waaqaca Dhabta Ah Ee Dalka Ka Jira.
↧