Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa dhalliilay qaabkii ay Somaliland uga jawaabtay dhawaaqii ingiriisku uu kaga digay amaanka Somaliland, waxaanuu sheegay inaanay ahayn inay si is bar bar yaac ah uga jawaabaan oo ay sida ingiriiska uu hal masuul oo kelyaata ahi uga hadlo, waxaanu ka soo hor jeestay inay mudaharaado la dhigo, isaga oo sheegay inay ahayd in si toos ah loogala hadlo ingiriiska
Boobe Yuusf Ducaale oo ka hadlayey Idaacadda voa-da ayaa waxayidhi “Ilama aha arintaasi waddadii ku haboonayd, oo waa markii ugu horaysay ee ay waxan oo kale nala kulmaan ilaa 1991-kii, mana aha inaynu Ingiriiska Mudaharaad ku tusno sida aynu uga xunnahay arrintan, waxaana jira wax khasbay in ingiriisku sidaas yidhaahdo, waxaanan soo jeedin lahaa inaynu kala xidhiidhno Ingiriiska waxa ka si ah xidhiidhkii labada dal ee uu sheegayey Safiirka u fadhiya Kenya Mark Bowden, sida ay Dawladdu uga hadashay ma ahayn qaab wanaagsan, waxaanay ahayd in masuul ayaa ka hadlay arintaase uu iyagana hal masuul kaliya ka hadlo, Xaqsoor-na waxa looga baahanyahay in wakhtiga uu ku lumiyey iyo war warka ka haya Wasiirka arimaha gudaha oo kale uu ka hayo oo xasan ciise uu sidaas oo kale yeelo, shirka Ingiriisku uu qabanayaana waa mid guud oo waxa la is waydiin doonaa Somaliland ma ka qayb gelaysaa mise kama qayb galayso, amniga Somaliland waxa gacanta ku hayaa”
Hargeysa Somaliland
↧
Wasiirkii Hore ee Warfaafinta Somaliland Boobe oo dhalliilay qaabka ay Somaliland uga jawaabtay dhawaaqii Ingiriiska iyo Mudaharaaddada la dhigayo
↧