Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Puntland Eng.Maxamuud Xaaji Saalax ayaa kormeer ku tagay deegaan beereedyo hoostaga gobolka Nugaal iyadoo halkaas ay kuyaalaan beero farabadan .
Wasiirka ayaa deegaanada uu tagay waxaa kamid ahaa Shibiraaley ,Siiga dheer,Cuun ,Xamur iyo goobo kale waxana ujeedku ahaa u kuurgelida xaalada dhabta ee dhul beereedka Puntland iyo ka dhageysiga Beeraleyda cabashooyinka ay qabaaan.
Wasaarada Beeraha ayaa beeralayda u balanqaadey in tababaro loo furayo si kor loogu qaado aqoontooda la xariirita dhinaca suuq geynta Dalagyada u soo go’a iyo habka wax baarista miraha qaabka loo isticmaalo sunta beeraha lagu buufiyo ee looga hortago caya yaanka