Wasiirka wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdi kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in uu geeriyood nin qaali ah waxaana uu sheegay in tacsi ay u dirayaan dhamaan shacabka Soomaliyeed oo uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Gudoomiyihii gudiga fulinta ahlusuna waljamaaca Shiikh Xeefow.
Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in sheekha intii uu noolaa uu waxbadan qabtay islamrkaana uu qeeyb ka qaatay dibu dhiska dalka, waxaana uu tilmaamay in qofwalbaa ay dhimaneyso islamrkaana shiikh geeriyooday.
Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud ee Dowlada Shiikh Axmed Yuusuf Ciyoow ayaa sido kale isna tacsi u diray waxaana uu illaa uga baryay in illah uu geeyo janada, wanaa uu ku sheegay shiikha in uu ahaa shiikh wanaag badan islamarkaana ka baxay shacabka iyo Ahlusuna.
Allaha u naxariistee maanta ayaa waxaa magaalada Muqdsiho ku Geeriyooday Gudoomiyihii Gudiga Fulinta Ahlusuna waljamaaca Shiikh Maxamed Yuusuf Xeefow, kadib xanuun Soo wajahay oo uu u geeriyooday.
↧
Dowlada iyo Ahlusuna oo Tacsi ka diray geerida Shiikh Xeefow
↧