BALCAD MEDIA: Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa Dhawaan waxaa la weydiiyey Su’aal ahayd “Ma laga yaabaa in Madaxda Sare ee Dowlada Federaalka ay ka dhex Abuuranto Khliaaf la mid ah kii ka dhex dhici jirey Madaxdii ka horeeysey.”
Su’aal la yaab leh uu ku jawaabey isaga oo la yaaban Su’aashaasi “Marnaba lagama yaabo in aan is Khilaafno , waxaana Sadexdeenna ku heshiisney in Afarta Sanno aan ku Dhameysano Khilaaf La’aan.”
Hadalka ka soo yeerey Madaxweyna ayaa waxaan weydiiyey Aqoonyahan Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Cabdikariim Yuusuf Jaamac bal in uu hirgeli karo hadalka Madaxweynaha ee ah in ay Khilaaf La’aan ku dhameystaan Xilliga ay hayaan Talada dalka, wuxuuna ku jawaabey:
“Aniga waxaan aaamisanahay in uu Khilaaf Imaanayo waayo dadka waa Soomaali waxay Caado u leeyihiin in ay wax isku qabsadaan oo Kilaaf abuuraan sidaa darteed hadda aan kaaga jawaabayo Su’aashaas waxaa ii muuqda Khilaaf u dhaxeeya Madxweynaha iyo Gudoomiyha Baarlamaanka , sidoo kale waxaa jira oo la isla dhexmarayaa in uu Khilaaf u dhaxeeyo Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha ,waxaana filayaan in Khilaafkaasi uu soo shaac baxo waqti aan sidaa u dheereeyn”
Waxaan weydiiyey maadaama aad tahay qof Aqoonyahan oo aad ugu Dhuun Daloola arrimaha Siyaasada Soomaaliya muxuu yahay Khilaafka aad hadda ka dhawaajisey ee u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.
Wuxuuna ku jawaabey “Khilaafka waxaa uu ka dhashey markii Gudoomiyha Baarlamaanka Wareegto uu soo saarey uu Xilkii kaga qaadey Gudoomiyihii Gobolka Bay Cabdi Fitaax Geeseey isagoo ah Ku Simaha Madaxweynaha ,taasoo Madaxweynaha si aad ah uga caroodey. Sidoo kale waxaa ka Caroodey Xil ka qaadistaasi qaar ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka oo warqad cabasho ah u gudbiyey Madaxweynaha.”
“Khilaafka kale ee u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha ayaa isagana la xiriirta Lacago Deeq ah oo laga heley mid ka mid ah wadamada Khaliijka taasoo Madaxwyanaha iyo Raiisul Wasaaraha isku qabsadeen qaabkii loo maareeyn lahaa lacagahaasi, waxaana Khilaafkaan ku wareerey Gudoomiyaha Banki-ga dhex oo soo gaartey laba warqadood oo ka kala yimid Xasan Shiikh iyo Saacid ,Wuxuuna Raiisul Wasaaraha uu ku doodayaa maadaama uu yahay Fulintii in looga Dambeeya qaabka loo Qorsheynayo Dhaqaalaha”.
Aqoonyahan Cabdikariim waxaa uu sheegey in marka laga soo tago Khilaafyadaan aan ka soo hadalney, waxaa jira Khilaaf kale oo aysan Madaxda Sare ee Dowlada Federaalka aysan Maareeyn kaasoo ku saabsan arrinta Kismaayo, waxaana uu sheegey Aqoonyahankaan in Madaxweynaha iyo Raiisul wasaaraha uu midba uu wato Qorshe u gaar ah oo ku saabsan sidii Maamul loogu sameyn lahaa Gobolada Jubooyinka waxaana haatan hakad uu ku yimid habsami u socodkii Shirka la doonayo in maamul loogu sameeyo Goboladaasi.
Khilaafyadaan ayaa aqoonyahankaan uu sheegey in Caqabad ku noqon karaan hanaanka Dowlada Federaalka waa haddii aan deg Xal looga gaarin, waayo Amuuraha la isku haysto ayaa uu sheegey in ay u baahan yihiin in lagu xaliyo si degenaansho ah iyo in ay la yimaadaan Madaxda Sare Dulqaad iyo isku Tanaasul taas ayey kaga gudbi karaan wixii caqabado ah haddii taasi aysan dhicin waxaa imaan doono in Dowlada ay marto habkii ay mareen Dowladii ka horeeysey oo iyadu soo martey Saddex Raiisul Wasaare iyo Sadex Gudoomiye Baarlamaan Muddo Saddex Sanno ah.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
↧
Madxweyne Hassan & R/Wasaare Saacid Arinkaan ma ku Ogeeyd?
↧