Garowe(Pi) Wasiirka Abniga Puntland Khaliif Ciise Mudan oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa sheegey in Ciidamada amaanka Puntland ay weerareen goob ay ku shirayeen Saraakiil al-shabaab ah oo dhinaca Miinada u qaabilsan kooxda uu hogaansho Wadaadka Maxamed Siciid (Atam).
Saraakiisha la qabtay waxaa ku jira Atam walaalkiis oo lagu magacaabo Axmed-khayr Siciid Maxamed, Wasiirku wuxuu sheegey in ninkaan la qabtay uu sheegtay inuu kooxda buuraha ku jira u qaabilsanaa ama masuul uga ahaa dhinaca Miino dhiga.
Wasiirku wuxuu kaloo sheegey in maxkamad dhakhso loosoo taagay Axmed kheyr, iyadoo lagu eedeynayo Argagixisnimo iyo dilal qorshaysan oo miinooyin loogu dhigay Ciidanka Amaanka Puntland.
Puntlandi.com
Garowe
↧
Wasiirka abniga Puntland “Waxaan gacanta ku dhignay saraakiil al-shabaab ah”
↧