Buq-aqable (Sh.M.Network)— Meydka Nin qoorta laga gooyay ayaa saakay Aroortii lagu Arkay deegaanka Buq-aqable ee gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya.
Qaar kamid ah dadka ku sugan Buq-aqable oo ka gaabsaday in Magacooda iyo codkoodaba la baahiyo ayaa waxa ay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho u Xaqiijiyeen in Meydka Nin qoorta laga jaray ay saakay lagu arkay deegaankaasi.
Dadka ayaa tilmaamay in Ninka qoorta laga jaray uu Dhaqtar ka howlgali jiray midka mid ah Xarumaha Caafimaad ee kuyaalla Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.
Waxa ay sidoo kale dadka deegaanka ku soo koobay Magaca Ninka qoorta laga jaray Xuseen, waxaana ay intaasi ku dareen in Ninkan laga la dagay gaari rakaab ah oo marayay deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan kaddibana Rag ka tirsan Al Shabaab ay u soo ka xeeyeen deeganka lagu gowracay.
Inkastoo aanay jirin cid sheegatay mas’uuliyada dilkaasi ayaa hadana waxaa la tilmaamayaa in dilkaasi ay kadanbeynkaraan kooxo ka tirsan Xarakada Al Shabaab.
Dadka ku dhaqan deegaanka Buq-aqable ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa soo food saaray qal-qal iyo cabsi baahsan, waxaana la sheegayaa in dadku ay cabsi badan muujinayaan.
Sh.M.Network
↧
Meydka Nin qoorta laga jaray oo saakay lagu Arkay deegaan ka tirsan G/Hiiraan
↧