Muqdisho (Sh.M.Network)— Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaare Ku-xigeenka dalka Turkiga ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho iyadoona siweyn loo soo dhaweeyay.
Bekir Bozdag, Ra’iisul wasaare Ku-xigeenka dalka Turkiga iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya iyadoona garoonka diyaaraha ay ku soo dhaweeyeen Ra’iisul wasaare Ku-xigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibada Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Maxamuud Xasan Suleeybaan.
Ra’iisul wasaare Ku-xigeenka dalka Turkiga oo uu safarkiisa ku wehliyay Wasiirka Hormarinta dowladda Turkiga ayaa waxa ay la kulmeen Fowziyo Yuusuf Xaaji oo ay kawad hadleen arrimo quseeya cilaaqaadka ka dhaxeeya Xukuumadaha Ankara iyo Muqdisho.
Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ugu horeyn la hadashay saxaafadda ayaa waxa ay sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay in maanta ay dhigeda Turkiga ku soo dhaweyso Soomaaliya iyadoona tilmaamtay in dowlada Turkiga ay xiriir soo jireen ah la laheyd Soomaaliya mudo dheer, islamarkaana aan la hilmaami Karin booskii ay iskataageen Ra’iisul wasaaraha Turkiga,Xukuumadiisa iyo Shacabka dalkaasi Abaarihii ku dhuftay dalka ee saameeyay maalaayiin Ruux oo Soomaali ah.
Ra’iisul wasaare Ku-xigeenka dalka Turkiga Bekir Bozdag oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in ujeedka safarkiisa Soomaaliya uu ku saleysanyahay labo arimood oo kala ah kormeerida Mashaariicada ay Turkigu kawadaan Soomaaliya iyo hirgalinta kuwo kale oo cusub.
Bekir Bozdag ayaa sidoo kale sheegay in uu la socdo wasiirka Horumarinta dalkaasi oo uu xusay in uu kulan la qadanayo wasiirka Maaliyada Soomaaliya Maxamuud Xasan Suleybaan.
Si kastab dowladda Turkiga ayaa dalka Soomaaliya hada kawada mashaariic kala duwan oo u badan dib u dhiska dalka waxaana booqashada Ra’iisul wasaare Ku-xigeenka dalkaasi ay ka dhigeysaa in uu sii xoogeysto wada shaqeynta ka dhaxeeysa labada dowladood ee Soomaaliya iyo Turkiga.
Sh.M.Network