Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

IGAD oo lacagtii ugu badneyd abid ugu deeqday Soomaaliya, sheegtayna in…

$
0
0

Urur goboleedka IGAD ayaa ku dhawaaqay inuu bixinayo lacag gaareysa hal milyan oo dolllarka Mareykanka ah si buu yiri wax loogu qabto abaaraha saameeyay wadamo badan oo geeska Africa ku yaalo, isla markaasna laga xusay Soomaaliya qeyb ka tahay gobolka abaaraha sida weyn u daashaday dadkeeda.
Warbixin ay soo saareen IGAD ayaa lagu sheegay in 40-kii sano ee u danbeysay ay taariikhda ku hayaan in abaartii gobolka soo martay si weyn u sameysay gobolka Geeska Africa ku yaala.
Sidoo kale IGAD ayaa soo hadal qaaday wadanka Soomaaliya ay ku tilmaamay meesha ugu saameynta badan abaaraha marka loo eego gobolada kale, iyagoona sheegay in tixda ay ugu jirto wax ka qabshada saameyntaasi, waxaana war ka soo baxay lagu yiri “Lacagta badankeedu waxaa lagu bixinayaa sidii loo badbaadin lahaa nolosha balaayiin Soomaali ah oo qaxooti ku ah dalalka deriska iyo gudaha dalka, lacagtaasi inteeda badan waxaa loo gacan-gelinayaa dowladda Soomaaliya si ay iyada u maamusho, waayo waad ogtihiin in dowladda cusub ee Soomaaliya ay dalbatay in si toos ah loo soo marsiiyo dhaqaalaha loogu talogalay in wax looga qabto arrimaha dalka Soomaaliya.
Qabiiro ayaa sheegay in iminka wadamada abaarahaasi ay halakeeyeen dadkooda wali inay ka kabsan la’yihiin,islamarkaana wali la daala dhacayaan dhibaatadii ka soo gaartay,taasina ku qasabtay in IGAD ay is xilqaanto oo lacagtaasi malaayiinta Dollarka ay ku deeqdo wadamo Soomaaliya ay ka mid tahay, ururka ayaa sheegay in deeqdani lacageed ee abaaraha wax looga qabanaayo ay la kaashadeen Banka horumarinta Africa,isagoo qeyb weyn ka qaatay bixinta lacagtaasi,
Urur goboleedka IGAD ayaa ah wadamo isu tagay isla markaana ka kooban Kenya, Uganda, Eritrea, South Sudan, Djibouti, Ethiopia, Sudan iyo Somalia, waxaana la sheegayaa in aboodda ururka IGAD ay ku shaqeystaan oo keliya dowladaha kala ah Kenya iyo Itoobiya, kuwaas oo magaca IGAD wixii ay doonaan ku fushada, iyadoo aysan la ogeyn dowladaha kale ee ururka kula jira.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>