Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose oo ay doraad ku dagaalameen ciidamo ka wada tirsan kuwa gacanta ku haya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in shir ay garwadeen ka yihiin ciidamada Kenya ee qeybta ka ah ciidamada AMISOM uu shalay ka furmay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, kaa soo looga hadlayo dagaalkii ka dhacay magaalada iyo sida xal loogu helikaro
Wararka laga helayo garoonka diyaaradaha ayaa sheegaya in saraakiil ka kala socda dhinacyada dagaalamay ay ka qeybgaleen shirkaasi oo shalay maqribkii soo gaaray iyadoo la sheegay inay markii dambe ku soo biireen Odayaal, waxgarad, Ganacsato iyo xubno ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Kismaayo.
Shirkan ayaa waxaa looga arrinsanayaa sidii xal looga gaari lahaa dagaalkii doraad, waxaana saraakiisha Kenyanka ku howlan yihiin in labada dhinac ay ku qanciyaan wada hadal si dagaalka lagu joojiyo, iyadoo Kolonyo ay leeyihiin ciidamada Kenya lagu arkay goobihii lagu dagaalamay, waxaana ay u muuqdeen kuwo xaaladda dejinayey oo kala dhexgalay dhinacyada dagaalamay, si aanay markale isugu noqon dagaal dambe.
Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in qodobo adag oo dhinac ka mid dhinacyadii shirayey uu soo bandhigay ay dib u dhigtay shirkaasi oo hakad ku yimid, halka warar kale ay sheegayaan in shirka dib loogu balamay maanta in markale la isugu yimaado, waxaana dhinaca kale la sheegay in xalay markale la damiyey isgaarsiintii magalaadaasi illaa iyo haddan lama oga sababta rasmiga ah ee loo damiyey isgaarsiinta magaalada Kismaayo.
Dhinaca kale Xilibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ku sugan magaalada Nairbo ee dalka Kenya oo shir jaraa’id ku qabtay shalay magaaladaas ayaa waxay kaga hadleen xaaladda magaalada Kismaayo, Maxamed Cabdi Yuusuf oo horay usoo noqday Ra’isul wasaaraha Soomaaliya oo wareysi siinayey idaacadda VOA-da ayaa sheegay in shirkooda jaraa’id ay kaga hadleen arrintii kediska aheyd ee doraad ka dhacday magaalada Kismaayo, waxa uuna sidoo kale sheegay inay tacsi ka bixinayeen dadkii ku dhintay dagaaladaas.
Sidoo kale waxa uu sheegay inay baaq si wadajir ah ugu direen labada dhinac ee ku dagaalantay magaalada Kismaayo, waxa uuna sheegay inay xiriiro la sameeyeen labada dhinac ee isku haysta magaalada, islamarkaasna ay ka dalbadeen inay joojiyaan xabada wadahadalna lagu bedalo, dagaalka ka qarxay Kismaayo ayaa kusoo aaday xili maamulka KMG ah ee halkaas ka taliya ay qorsheeynayeen inay shirku yeeshaan magaalada Kismaayo kaasoo lagu waday in lagu dhiso maamul loogu magac daray Jubbaland.
↧
Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Kismaayo iyo isgaarsiintii la damiyey Xalay markale
↧