BALCAD MEDIA: kumaanaan dad ah oo aad ufarabadan ayaa saaka banaanax ka hor dhigaya afaafka hore ee madaxtooyada Soomaliya, waxana dadkaasi ay ka soo banaan baxeen degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, waxaana ay ka baanan baxayaan goobo ay deganaayeen oo laga rarayo.
Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Soomaliya ee magaalada Muqdisho ayaa kala eryaya dadka dibad baxa dhigaya, qaar kamid ah dadkaasi oo warfidiyeenada lahadlay ayaa sheegay in ay ka dibad baxayaan dhibaato lagu haayo oo ah in goobaha ay dagan yihiin laga saaro, waxana ay sheegen in ujeed koodu yahay in codkoodu gaaro madaxda dowlada oo Madaxtooyada degan.
Waxaanan jirir masuul ka tirsan dowlada oo dadkaasi la hadlay marka laga reebo cidamada ilaalada madaxtooyada oo ku amraya dadkaasi in ay ka ag dhaqaaqaan irirdka madaxtooyada oo dibad baxa ay ka dhigayaan, waaxaana banaan buxu yahay mid wali sii socda.
↧
Deg Deg Ah: Banaan bax haatan ka Socda Madaxtoyada Villa Somalia.
↧