Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Munaasibad U Qabatay Dhakhaatiir Iyo Kalkaaliyeyaal Bartay Fayo Dhawrka Oo Look Ala Dirayo Gobollada Dalka

$
0
0

Wasaaradda Xanaanadda  Xoolaha  Somaliland ayaa  Munaasibad u qabatay Dhakhaatiir iyo Kalkaaliyeyaal Jaamacadaha dalka ka soo baxay oo Bartay Aqoonta Fayo Dhawrka Hilibka iyo Xanaanadda Xoolaha, ku waasi oo  tiradoodu gaadhayso 27 Xubnood oo loo kala  diri doono 27 Degmo oo ka mid ah Degmooyinka Dalka qaar.
Munaasibadan lagu Sagootiyayey 27-ka Kalkaaliyayaasha ah ee loo dirayay inay ka hawl galaan Gobolada Dalka oo lagu qabtay Huteelka Xaraf ee Magaalada Hargeysa, ayaa  waxa ka qayb galay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr Cabdi aw Daahir,Wasiirka Qorshaynta Dr Sacad Cali Shire,ku simaha Maayarka Hargeysa ahna Maayar Xigeenka Caasimadda Hargeysa Cabdicasiis Caga-wayne,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha, Agaasimaha Wasaaradda Kaluumaysiga md Maxamed Ilkacase, Dhakhaatiir iyo Xubnaha dhakhaatiirka Kalkaaliyayaasha ah ee loo qabtay Sabootinta Munaasibadan ay Wasaaradu ugu kala dirayso 27-ka Xubnood ee dhakhaatiirta ah.
Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Dr Cabdi aw Daahir oo ka hadlay halkaasi ayaa waxa uu yidhi “Dhalinyartan iskugu jirta  Inamadda iyo Hablaha ee ka kooban 51-ka Kalkaaliyayaasha Caafimaadka ahi waxay ka mid yihiin 115 u badan dhakhaatiir iyo Kalkaaliyayaal Caafimaad oo ay Mudadii Labada Sanno ahayd ee uu dalka Hugaaminayay Madaxweyne Axmed (Siilaanyo)la shaqaalaysiiyay Mudooyinkii 2011/2012 iyo 2013-kii dhamaantood inta halkan  fadhida weeyaan,marlabaadna dhamaantood waa dhakhaatiir ka soo baxday Dugsiyadda Xanaanadda Xoolaha ee Sheekh ,Jaamacadda Burco,Jaamacadda Suudaan,Etoobiya iyo Jaamacaddo kale oo Dibedda ah,waana Dhakhaatiir ka ugu yiri sito Dublaama Saddex Sanno ah,iyada oo ay sidaasi tahay waxa aanu u kala qaybinayna oo Dufcada 1-Aad waxa weeyaan kuwii ka soo qalin jabiyay Jaamacaddaha si ay uga shaqeeyaan Xanaanaynta Xoolaha ,halka kuwa kale ay yihiin dhakhaatiir soo qalan jabiyay 2009/2011/202-kii bartayna Aqoonta Hilibka Xoolaha  iyado Jaamacadda Nairobi   ay ku Tababartay mudo Afar Bilood ah Dugsiga Sheekh imikana waysoo qalin jabiyeen waxanay Kalkaaliyayaashaasi ka kooban yihiin 24-Xubnood oo hada u diyaar ah inay Degmooyinka Gobolka dalka ka hawlgalaan,waxana 51-ka Xubnood ka shaqo gelidoonaan Bisha March,
 
Wasiirka Qorshaynta  Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi “Waxa aan doonaya in aan halkan ka hanbalyeeyo Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha oo iyadu ah ta Barnaamijkan isku soo duba riday gaar ahaan Wasiirka Wasaaradan oo isagu hormuudka ah Barnaamijkan,runtii dalkeena Somaliland waxa uu leeyahay khayraad badan oo uu ka mid yahay Bada,Macdanta iyo Xoolaha,runtii Khayraadkaasi kama wada faa,iidaysano oo Khayraadka Sida Bada iyo Macdanta kama faa,iidaysano inagu balse dhanka Xoolaha aad ayaynu uga faa,iidaysana oo Nolosheena oo dhan ayaaba ku xidhan Xoolahana maaha in aynu tirino uun inta aynu Talaalay ee waa in aynu tirino inta  aynu Badbaadinay Noloshooda,sida aynu qofka ugu dadaalo Noloshiisa ilaa iyo inta uu ka gaboobayo oo aynu u badbaadino,marka waa in aynu Neefka Xoolaha ahna ku dadaalo sidii aanu u siqiiri lahayn ee aynu u bad baadin lahayn,waxa aan intaasi raacinaya waa soo dhawaynaya Hawlwadeenadan Caafimaad ee dalka ka shaqo bilaabidoona”
Ugu danbeyntiina waxa waxa halkaasi Wasiirka  Xanaanada Xoolahu Guddoonsiiyay una qaybiyay Buug ka turjumaya Siyaasadda Wasaaraddu ka leedahay Xanaanadda Xoolaha iyo Daryeelka Caafimaadkooda oo si qoto dheerna uga hadlaya waxyaabo badan oo la xidhiidha Xanaanaynta Xoolaha.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>