Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Odoyaal iyo Waxgarad ku kulmay Kismaayo oo ka soo horjeestay Shirka Maamul Sameynta

$
0
0

Kismaayo (Sh.M.Network)— Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka J/hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi maanta ay kulan balaaran ay ku yeesheen Odoyaal iyo Waxgarad ka soo jeeda gobolada Jubooyinka, kaasi oo looga hadlay arrimo badan.
Kulanka kaddib ayaa waxaa Idaacadda Shabelle la hadlay Nabadoon Maxamed Duraan Jeerood oo ka mid aha Waxgaradkii maanta ka qeybgalay kulankii ka dhacay Magaalada Kismaayo, waxaana uu sheegay in kulankii maanta looga hadlay labo arrimood oo kala ah in la joojiyo dagaaladii dhawaan ka dhacay Magaaladaasi iyo in aan laga qeybgalin shirka la sheegayo in Maamul Goboleed loogu sameynayo gobolada Jubooyinka iyo Gedo.
Sidoo kale waxaa kulankaasi ka hadlay Nabadoon Cabdulaahi Cali Sidoow oo isna kamid ahaa Waxgaradkii ka qeygalay kulankaasi ayaa waxa uu sheegay in marnaba aysan ogolaan doonin in shirka maamul goboleedyada loogu sameynayo gobolada Gedo iyo Jubooyinka, isagoona dowladda Kenya ugu baaqay in ay joojiso hubka ay qabaa’ilada daga gobolada Jubooyinka ay isugu dhiibay, waxana uu dowladda ugu baaqay in ay soo faragaliso arrintaasi.
Kulankani maanta ay waxgaaradka iyo Odayaasha ka soo jeeda gobolada Jubooyinka ay ku yeesheen Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka J/hoose ayaa imaanaya Xilli dhawaan halkaasi ay ka dhaceen dagaal beeleedyo u dhaxeeya labo beelood oo wada degta magaalada Kismaayo, kuwaasi oo qasaaro geystay.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>