Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Dawladda Ingiriiska Oo Hirgelisay Website Af-Somali Ku Qoran Oo Lagala Socdo Ujeedooyinka Shirka Somalida Loogu Qabanayo London Bisha May

$
0
0


Dawladda Boqortooyada Ingiriiska oo bisha May 7-deeda London Shir ugu qabanaysa Somaliya ayaa markii ugu horeysay hirgalisay Website ku qoran Af-Somali, kaasi oo loogu tallo-galay in Somalidu kala socoto ujeedooyinka shirka.
Qoraal lagu baahiyey Website-kan, ayaa lagu sheegay in dawladda Ingiriisku ka hor qabashada shirka ay la tacaamuli doonaan Maamulada kale ee ka jira Somaliya sida ay hadalka u dhigeena iyo qaybaha bulshada Somalida.
Website-kan oo Af-Somali ku baxaya ayaa waxa la raaciyey oo lagu ladhay Twitter-ka khaaska ah ee raysal-wasaaraha Somaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), kaasi oo dawladda Ingiriisku sheegtay in lagala xaajoon karo arimaha shirka Somaliya London loogu qabanayo bisha May ee Sanadkan.
Sidoo kale, waxa la soo raaciyey blog uu leeyahay Danjiraha ingiriiska u fadhiya Somaliya Math bough, si loola socdo arimaha uu Somaliya ka qoro.
Website-kan oo lagu faahfaahiyey ujeedooyinka shirkaasi ee loogu tallo-galay in Somalidu la socoto, ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee dawladda Ingiriisku ku dhiirigalinayso shirka ay Somalida u qabanayso.
Guji Linkigan Hoose Si Aad U Booqato Website-ka
 
 https://www.gov.uk/government/news/shirka-soomaaliya-eela-qabanayo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>