Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Golaha Deegaanka Magaalada Gabiley oo Mushaarkii u Kordhiyay Shaqaalihii Dowladda Hoose iyo Xildhibaannadii Golaha Deegaanka

$
0
0

Golaha Deegaanka degmadda Gabiley, ayaa ansaxsaday miisaaniyad sanadeedkii ay ku shaqayn doonaan sanadkan 2013-ka, taas oo ay ka muuqato mushahar kordhin loo sameeyey shaqaalaha dawladda hoose iyo xidlhibaanadda golaha deegaanka Gabiley.
Miisaanidda dawladda hoose oo labaddii toddobaad ee  u dambeeyey ka doodayeen xidlhibaanadda golaha deegaanka Gabiley, ayaa shalay fadhi ay yeesheen ku ansixiyey miisaaniyad sanadeedka 2013-ka.
Miisaaniyadan oo cadadkeedu dhan tahay  Afar iyo toban Bilyan oo Somaliland shilling, ayaa la sheegay in shaqaalaha nadaafadda ee dawladda hoose loo kordhiyey 100%, halka shaqaalaha kale iyo xildhibanaadana loo kordhiyey 74%.
Sidoo kale, Xildhibaanada golaha deegaanka Gabiley ayaa isku kordhiyey 74% oo u dhiganta inay korodhsadeen 2.5 Milyan Somaliland Shiling bishiiba, halka ay markii hore musharkoodu ka ahaa  1 Milyan iyo 200 oo shilinka Somaliland ah.
“Dood dheer kadib waxaa la ansixiyey miisaaniyad sanadeedkii, waxaan kasoo qayb galey 20 mudane , waxaan ansixiyey 16 mudane, 4 mudane way ka aamuseen”ayuu yidhi Maayarka Gabiley Shucayb Muuse oo ka hadlayey miisaaniyadda golahooddu ansixiyeen, waxaanu intaas ku daray “ Xadiga miisaaniyadu waxay ahayd 14,105,31973000 oo Bilyan SLSH.
Miisaaniyadani tii sanadkii hore way ku libinlaabmaysaa, waxaana miisaaniyadda sanadkan ka muuqda mashaariic horumarineed oo faro badan,” ayuu raaciyey hadalkiisa maayar Shucayb Maxamed Muuse.
Si kastaba ha ahaatee, miisaaniyad sanadeedka dawladda hoose ee Degmadda Gabiley ayaa la sheegay iany ka badan tahay tii sanadkii hore, taasina ay keentay in shaqaalaha iyo xildhibanaduba isku kordhiyaan mushaharka ay qaadan jireen.
Source-HOl


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>