Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Maayarka Saylac “Xildhibaannadaa Is-casilay Fikirkoodii Kumay Socon Mid Iyaga Ka Yimina Maaha Is-casilaaddoodu, Waa Mid Cid Kale Ka Talisay Oo Meelo Kale Laga Soo Abaabulay”

$
0
0

Maayarka Degmada Saylac Md. Xuseen Iidle Barre, ayaa ka hadlay is casilaadda Xildhibaannada Golaha deegaanka ee Degmadaas iyo kuwa degmada Lughaya ee isku Beesha ah oo isku mar maalintii Isniinta xilkaa iska casilay.
Maayerka Degmada Saylac ahna Guddoomiyaha golaha deegaanka ee Degmadaas Xuseen Iidle waxa uu ka warramay sida ay arrintaasi ula muuqato, sida ay u sii socon karto hawsha golaha deegaanka Saylac iyo arrimo kale oo la xidhiidha tabashada Beesha Xildhibaannada is-casilay tirsanayso ee ka dhalatay doorashadii golayaasha deegaanka iyo qaabkii loo doortay isaga iyo ku-xigeenkiisa.
Duqa Degmada Saylac Xuseen Iidle Barre oo waraysi gaara khadka taleefanka maanta ku siiyey Shabakada Caceed.com waxa uu ugu horreyn kaga jawaabay su’aal laga weydiiyey xaaladda degmada iyo sida loo dareemay saamaynta Xildhibaannada is-casilay, waxaanu yidhi; .”Horta Xildhibaanku waxa uu ahaa Xildhibaan gole deegaan oo la soo doortay oo ku yimi codkii dadka deegaanka. Markaa waxay ahayd inay shaqadooda gutaan oo dadkii soo doortayna kula xisaabtamaan sida ay wax u wadaan. Laakiin, Xildhibaannadaa is-casilay fikirkoodii kumay socon mid iyaga ka yimina maaha is-casilaaddoodu, waa mid cid kale ka talisay oo meelo kale laga soo abaabulay oo degmada iyo deegaanka-ba ka baxsan.”
“Markaa, is-casilaaddaasi waa mid iyaga u taalla, markii ay ku dhawaaqeenna Xildhibaannada sidaasay ku waayeen hawsha beddelaaddooduna waa mid u taalla Xisbiyadii ay ka soo bexeen iyo Komishanka doorashooyinka. Dhanka shaqadayada wax saamayn ah kuma keenayso hawshayaduna si wanaagsan ayay noogu socotaa xilkuna wuxuu naga saaran yahay in aannu degmada horumarinteeda ka shaqayno. Laakiin, Xildhibaanno beeleed ma nihin, markaa annaga kooramkayaguna wuu noo buuxaa, shaqaduna way soconaysaa.”
Maayerka Saylac oo aan wax ka weydiiyey inay is-casilaadda ka hor tabasho beesha Xildhibaannadaasi ka soo jeedaan tirsanayso, waxa uu ku jawaabay; “Horta waa dhab oo cashadaasi way jirtay ilaa xukuumaddana way ula tageen si wanaagsana waa laga yeelay oo dawladu intii ay qaban karaysay way u qabatay wax badan oo xilal iyo qaramayn ahna waa loo qabtay oo wasiiraa la siiyay janan ayaa la siiyay ciidanka booiliska iyo ka qarankaba ciidan ayaa loo qarameeyay markaa ma waxay ka dhigan yihiin Ninkii orgiga laga dhacay ee awrka loogu guday ee yidhi anigu awr doonimaayee orgigaygii hala I siiyo,laakiin taasi maaha dawladnimada, xildhibeenaduna reero maaha ee waa masuuliyiin la soo doortay oo loo igmaday in ay dadkii ay codkooda ku soo bexeen in ay u adeegaan isla markaana lala xisbaabtamo,aniga iyo golahayguna waxaanu diyaar u nahay in aanu degmada u shaqayno oo aanu la tartano degmooyinka kale, kolay tanina waxay nagu tahay arin saamaynteeda leh laakiin galahayaga deegaanka waxaa iska casilay 7 nin markaa inta la soo buuxinayo agau hawshayada waanu wadanaynaa, cidna ka yeeli mayno in ay la timaado wax sharci darro ah oo waajibkayaga ayaanu gudanaynaa,dawladuna waajibkeeda ayay gudanaysaa.”
Mar uu Maayerka Saylac ka jawaabayey su’aal aan ka weydiiney hadday xaaladda cakiran dejinteeda maamulka Somaliland ku taliso in ay ku degayso kursigiisa waxa uu ka yeelayo, waxa uu yidhi; “Horta, anigu halkan is kamaan iman ee doorashaan ku imi xilka maayarnimadana waxaa ii doortay golaha deegaanka iyagaana iga qaadi kara, marka qorka xil loo dhiibana waxaa haboon in wakhti la siiyo oo la eego in uu ka soo boxo iyo in kale laakiin kursiga iskaga deg cidina ma odhan karto waayo xilku maaha mid beel ii dhiibatay ee waxaan maayar u ahay dadwaynaha degmada Saylac oo dhan, ta aad I leedahay hadii kursigaaga ka degistiisu xal tahayna taasi waa arin kale waana in ay aniga iga timaadaa laakiin cidina iguma san dulayn karto in xilkaygii oo aan gudanayo la igu yidhaahdo cid raali galinteeda uga deg dawladnimaduna sidaa maaha.
Source-Cadceed


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>