Golaha amaanka oo maalinta arbacada ah ka fariisan doona arinta qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya waxaana laga doodayaa in 1 sano oo kumeelgaar ah laga qaado xayiraada hubka Soomaaliya ,qaadista xayiraada hubka Soomaaliya ayaa waxaa si weyn ugu ololeynaya dowlada Mareykanka oo ku qalqaalisanaysa 15 xubnood ee kale ee golaha amaanka iney meelmariyaan rabitaanka dowlada Soomaaliya ee ah in la qaado xayiraada hubka Soomaaliya.
Wadamada Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa lasheegayaa iney walaac ka qabaan qaadista xayiraada hubka iyagoo ku andacoonaya in hadii la qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ay suurta gal tahay in hubkaasi uu u gacan galo kooxaha Islaamiyiinta sida alshabaab,wxayana tilmaameen in dowlada Soomaaliya aysan suurta gal ahayn iney xakameyso hubkaas,waxayna ku taliyeen inaan dalka Soomaaliya loo gacan galin hub casri ah sida gantaalada iyo dabaabaadka dagaalka oo ay sheegeen iney si fudud ugu gacan gali karaan kooxo ay ku sheegeen argagixiso.
Mareykanka ayaa u ololeynaya in la qaado xayiraada hubka saaran Soomaaliya si dowlada Soomaaliya ay ugu suurta gasho iney dib u dhis ku samayso ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya si ay u sugaan amniga guud ee dalka Soomaaliya oo ay ka dilaaceen Burcadbadeed iyo Islaamiyiin qatar ku noqday xasiloonida aduunka.”
Soure-BNO
↧
Golaha Amaanka oo ku kala Aragti duwan Qaadista Xayiraada Hubka ee Saaran Soomaaliya
↧