Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Golaha Guurtida Somaliland Oo Ansixiyey Xeerka Tirakoobka Ee Xeer No.60/2013 Oo Ay Wax Ka Bedel Ku Sameeyeen.

$
0
0

Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta kal fadhigoodii ay ku yeesheen Xarunta Golaha Wakiilada oo uu shir guddoominayey Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Golahaasi Md. Siciid Jaamac Cali, ayaa waxay si duuduub ah  ugu ansixiyeen xeerka Tiro-koobka Dalka Xeer No. 60/2013, kaas oo ay hore u soo ansixiyeen Golaha Wakiiladdu dhowaan.
Kal fadhigan maanta ee Golaha Guurtidu ay yeesheen, ayaa waxa ka soo xaadiray 49 Mudane, waxaanay Golaha Guurtidu  ay wax ka bedel iyo Kaabis ku soo sameeyey Xeerkan, gaar ahaan gudida arimaha bulshada ee Golaha Guurtida, waxaanay Mudanayaashu xeerkaasi ku ansixiyeen si duuduub ah, iyaga oo habka gacan taagga ah  ugu codeeyey, waxaana ogolaaday 37 mudane, halka ay diideen 7 mudane, waxaana ka aamusay 4 mudane, iyada oo aanuu  gudoomiyahuna codaynin,  sidaasna waxaa ku ansaxay xeerka Tora Koobka Dalka (statistics) ee Xeer No,60/2013.
HARGFEYSA SOMALILAND
 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>