Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

War-Saxaafadeed. SOLJA Oo Cambaaraysay Xadhiga Weriye Maxamed Aadan Dirir Oo Magaalada Caynaba Uga Soo Warraamaya Telefishanka Somalilchanely

$
0
0

War-saxaafadeed Xafiiska Ururka Suxufiyiinta Madaxa Bannaan ee Somaliland ee SOLJA, ayaa waxa lagu cambaareeyey Xadhiga Weriye Maxamed Aadan Dirir oo Magaalada Caynaba u fadhiya Telefishanka Somalichannel oo dhowaan lagu xidhay Magaaladaasi, kaas oo ay SOLJA sheegtay inuu yahay mi dloo maray sifo aan sharci ahayn oo bilaa waaran Maxkamadeed ah.
War-saxaafadeedka oo uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Ururka SOLJA Maxamed Rashiid, ayaa isaga oo dhamaystirana waxa uu u dhignaa sidan.
“Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA wuxuu canbaaraynayaa xadhiga weriye Maxamed Aadan Dirir oo doraad 12-kii duhurnimo si sharci daro ah loogu xidhay magaalada Caynabo   isagoo aan loo marin sifihii sharcigu u jidaynayay qabashadiisa oo aan wax waaran ah maxkamdi usoo goynin
iyadoo sida uu noo cadeeyay mar aanu xalay la xidhiidhnay gudoomiyaha maxkamda caynabo lagu eedeeyay inuu jeelka caynabo xoog ku galay intuu askartii jiidhay  oo uu sawiro kasoo qaaday  nin ku eedaysnaa  kufsi isla markaana uu warkaasi ku baahiyay shabakada wararka ee caynaba news’
arintaas oo ururka SOLJA u arko  inaanay macquul ahayn in weriye aan qori sidani xoog ku gali karo jeel askari ilaalinayso  sidaa daraadeed ururka SOLJA wuxuu ka codsanayaa maamulka caynabo iyo xukuumada sare ee Somaliland inay xoriyadiisa sida ugu dhakhsaha badan ugu soo celiyaan hadii ama degdeg loo horkeeno  maxkamad”
 
 ALLAA MAHAD LEH M.Rashiid Muxumed Farax
Xoghayaha Guud Ee Ururka  Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA 
HARGEYSA SOMALILAND


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>