Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Dr Yuusuf Ismaaciil Cali, ayaa markii ugu horraysay ka hadlay sida ay inta badan ku dhamaadaan Xukunnada Qisaasta ah ama dadka Dilka lagu xukumo fulintoodu, waxaanuu sheegay Guddoomiyuhu inay arrintaasi tahay mid sharci ah oo ay diinta Islaamku qeexday, isaga oo tilmaamay inay inta badan ku dhamaadaan heshiis dhex mara dadka ay godobtu dhex marto oo ku heshiiya sida ay xal u arkaan oo aanay ahayn mid ay Xukuumadda iyo Cid kale toona awood u leedahay inay go’aankeeda iska qaataan.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Dr Yuusuf Ismaaciil Cali oo maanta la hadlay Radio Hargeysa, ayaa waxa kale oo uu ka hadlay teyeyn uu sheegay inay muddooyinkii ugu dambeeyey ka wadeen dhinaca Garsoorka, isaga oo sheegay inay ku soo kordhiyeen Garsoorkii hore dhalinyaro hawl kar ah oo aqoon leh.
Yuusuf Ismaaciil Cali isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Marka hore waxa aanu doonay in aanu dhiig Cusub ku shubno Garsoorka oo in Garsoorka la tayeeyo waxa keenaysa in horta la helo Garsoor aqoon leh markaas ayuunba la heli kara Garsoor tayo leh,Wakhti dhaweyd oo ahayd 20/10/2012-kii waxa Guddiga Cadaalada la hawlgeliyay Ardaydii Jaamacadaha ka soo baxday iyadoo Mudo Sanad ahna lagu tababarayay Xarunta Wasaaradda Cadaaladda waxanay iskugu jireen rag iyo dumarba waxanay Tiradoodu dhamayd 33-Aqoon yahan waxanay dhamaantood ka soo baxeen Kuliyadaha Sharciga ee Jaamacadaha dalka waxana 27-ka mid ah loo qaatay Garsoorayaal oo dhamaan aha Wiilal,halka ay 6-ka mid ahina Hablo ahaayeen oo laga hawleliyay Arkiifiyada Maxkamaddaha Gobolka Maroodi-jeex iyo Gobolka Awdal iyado 1 Inan ayaa isna jira oo lagu qoray Kaalinta Maxkamadda Racfaanka ee waxana laga dhigay Diwaan haye halka 5-tii Hablood ee kale waxa aanu ku qoray Diwaanhayayaasha Maxkamadda Gobolka Maroodi-Jeex Maxkamadda Racfaanka Maxkamadda Sare oonu laba hablood u qaadanay halka aanu 1 Inan u qaadanay Maxkamadda Gobolka,1 Inan aanu u qaadanay Maxkamadda Degmaddana ,sidaasina aanu ku hawgelinay dhamaan shaqaalahaasi cusub”
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dr Yuusuf Ismaaciil Cali oo ka hadlayey dadka dilka lagu xukumo iyo sida ay inta badan ku dhamaato fulinta dilkaasi, waxa uu yidhi “Waxa jira dad badan oo Dil ku Xukuman oo aanay Maxkamaddahuna Awood u lahayn inay Xukumaan fulinta Qisaastooda, waxanay tahay dalab laga rabo dadkii dhibanaha ahaa ee shareecadu siisay Xaqa Qisaasta inay fushadaan oo ay dalbadaan in loo dilo ama Qaataan Diiyada ama mag, mana aha wax dawladdu iska fulinayso oo Madaxweynahu iskama soo saxeexayo waa hadii aanay dadkii in wax loo qisaaso Xaqa ulaha aanay odhan hannaloo dilo, Inta badan ma timaado oo Sharciga Islaamiga ah ayaan noo ogolaanayn in la fuliyo dilkaasi marka waxa ay dadkaasi waxa ay inta badan Xabsiyada ugu jiraan Reer reer oo Xukuumadduna si fudud uguma fulin karto Xukun dil”
↧
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Ka Hadlay Sida Ay Inta Badan Ku Dhamaadaan Filinta Dadka Dilalka Lagu Xukumo Iyo Tayeynta Garsoorka
↧