Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

War Deg Deg Ah Qarax Xoogan oo goordhaw ka dhacay Goob Codadka Doorashada Kenya lagu tirinayay iyo Rasaas dhacaysa

$
0
0

Wararka aan hada ka heleyno Magaalada Gaarisa ee Xaunta Gobolka Waqooyi bari Dalka Kenya ayaa sheegayaan in Daqiiqado yar un kahor uu qarax aad u xoogan uu ka dhacay goob lagu tirinayay Codadka Doorashada Madaxweyne ee Magaalada Gaarisa.
Qarax oo ahaa mid aad u xooganaa ayaa ka dhacay afaafka Hore ee Maktaba Qarabka Magaalada Gaarisa halkaasi oo lagu tirinayay Codadka dadkii maanta dhiibtay Codadka Doorashada Madaxweyne ee Dalka Kenya.
Wariye katirsan Idaacada BBC-da oo kusugan Gaarisa ayaa soo sheegaya in xiligan Magaalada Gaarisa Qeybo kamid ah gaar ahaan goobta uu qaraxu ka dhacay laga Maqlayo rasaas xoogan aan la ogeyn cida rideysa.
Lama sheegin Qasaaraha uu reebay Qarax Xoogan ee goordhaw ka dhacay Goobta codadka lagu tirinayay ee Magaalada Garaisa iyo Rasaasta xiligan dhacaya Qasaaraha uu reebay.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>