Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Sarkaal Xigeen Ciidanka Taraafikada Ka tirsanaa oo Lagu dilay Muqdisho

$
0
0

Muqdisho (Sh.M.Network)  Kooxo Bastoolado Ku hubeysan ayaa saaka Barqanimadii waxa ay Xaafadda Towfiiq ee Degmada Yaaqshid ku dileen Isbatoore Ka tirsanaa Ciidamada Nabad Gelyada Waddooyinka.
Taliyaha Ciidamada Nabad gelyada Waddooyinka Sareeye Guuto Cali Xirsi Barre ( Cali Gaab ) oo Idaacadda Shabelle ay Laxiriirtay dilkaasi Kadib ayaa waxa uu sheegay in Labo Nin oo ku hubeysan Bastoolado ay shan Xabadood La dheceen Isbatoore Xasan Warsame oo ka mid ahaa Ciidamada Taraafikada Xilli uu ka soo baxay Gurigiisa kuna sii jeeday Goobtiisa Shaqada.
Dhanka kale Kooxaha Falka Dilka ah Geystay ayaa Durbadiiba ka baxsaday Goobta uu dilka ka dhacay  hayeeshee waxaa saacado kadib soo gaaray Goobtaasi Ciidamo Boolis ah kuwaasi oo islamarkiiba Billaabay Baaritaanno ku aadan Ciddii ka dambeysay dilka Loo geystay Isbatoore Xasan Max’ed Warsame oo ka mid ahaa Ciidamada Nabad Gelyada Waddooyinka.
Majiro Cid sheegatay Masuuliyadda dilkaasi hase ahaatee Maaha Markii ugu horeysay oo Kooxo hubeysan ay Gudaha Muqdisho dil ugu geystaan Askari Ka tirsan Ciidamada  dowladda Federaalka Soomaaliya.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>