Muqdisho (Sh.M.Network) Kadib Kulan ay Maanta Kuyesheen Magaalada Muqdisho Gudiga Arimaha Gudaha Iyo Amniga Baarlamanka Somaaliya Ayaa kulankooda Waxeey Diirada Ku Saareen Weerarkii Ismidaaminta Ahaa Ee Al Shabaab ay Sheegteen oo Shalay Kadhacay Magaalada Muqdisho.
Gudiga Arimaha Gudaha iyo Amniga Barlamanka Somaaliya ayaa wax Laga Xumaado Ku tilmaamay Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho iyagoona shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ugu baaqay in ay dowladda Ka gacansiiyaan Ka hortagga Weeraro Ismiidaamin ah oo Al Shabaab ay ka fuliyaan Magaalada Muqdisho.
Kulanka Markii uu soo gaba gaboobay kadib ayaa waxaa Idaacadda Shabelle Lahadlay Guddoomye Ku Xigeenka Guddiga Amniga Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow isagoona sheegay in Guddiga Amniga Baarlamaanka ay si kulul u cambaareenayaan Qaraxaasi wuxuuna shacabka ku nool Magaalada Muqdisho Ka codsaday in ay Lashaqeeyaan Hey’adaha Ammaanka ee dowladda Soomaaliya.
Hadalka Guddiga Amniga Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku soo aadaya Xilli shalay Muqdisho uu ka dhacay Qarax ismiidaamin kaasi oo Geystay Khasaaro isugu Jira dhimasho iyo Dhaawac
↧
Guddiga Amniga Baarlamaanka oo kulan Ka yeeshay Qaraxii Ismiidaamin ee shalay ka dhacay Muqdisho
↧