Meelaha qaar dalka Maraykanka waxay ka nolol xun yihiin dalal aan degenayn, waxaana ka jira shaqo la’aan xad-dhaaf ah, dambiyo, qiimayaasha nolosha oo aad u sareeya, cimilo aad u xun iyo xataa ciyaaro aad u niyad-jab badan. Sidaa darteed, waxaynu halkan ku soo gudbin doonaa qaar ka mid ah magaalooyinka ugu silica iyo saxariirka badan dalka Maraykanka ee noloshoodu qirin qiirka tahay waxaana ka mid ah;
Miami: magaaladan waxaa ar 47% waalay dhibaatooyinka guryaha, sababta oo ah mulkiilayaasha guryaha iska leh waxay badana ku bixiyaan rahan, kuwaas oo aakhirka la iibiyo, waxaana sannadkii 2008-kii la iibiyey amma gacanta mulkiilayaashii lahaa ka baxay 364,000 hanti. Arrintana waxay sababtay in dad badan guryo iyo hoy beelaan, hantidoodiina gacanta ka baxdo.
Detroit : magaalada waxa iyada ku dhacay dugsi la’aan, waxaana meesha ka baxay ciidammadii bilayska ee amniga sugi jiray, sababo xagga mushahar la’aanta ah, waxaannay qiimaha guryo kor u kaceen 54% laga soo bilaabo saddexdii sanno ee ina dhaafay, waxaanay noqotay waqtigii ugu xumaa ee Maraykanka la soo darsa.
Flint, Mich: dedaalo badan oo labada magaalo ee is huwan la isugu dayey in wax lagaga qabto ayaa suura gali waayey, magaalada Flint bishii October ee 2011-kii, waxay dadkii lahaa iskaga tegeen 7,75 guri, kadib markay burbureen, maamulka Gobolka Michigan oo magaaladani hoos tagto waxay tilmaameen in miisaaniyad u gaar ah loo samayn doono Flint,waxa sidoo kale goobtan harqiyey dambiyo iyo dilal aad u fool xun.
West Palm Beach, Fla: magaaladan oo ku taala Koonfurta gobolka Florida, waxa mashaqeeyey musuqmaasuq, waxaanna tusaalihii u dambeeyey ahaa kii uu ku kacay Jose Rodriguez oo ahaa maayirka Boynton Beach oo ka mid ah West Palm oo ah meel dad badan ku nool yihiin, waxaana laga eryey xafiiskiisii sannadkankan gudihisii, sidoo kale maayir Rick Scott waxa loo xidhay markii lagu helay in uu awoodiisa uga faa’iidaystay faro xumayn dhica carruurta ah, taas oo uu kula kacay inan yar oo xaaskiisu nin kale u dhashay.
Magaaladan sidoo kale waxa qaali ku ah guryaha, waxaanay laga soo bilaabo sannadkii 2006-kii qiimaha guryuhu kaceen 50%.
Chicago: Magaalada Windy City waa goob dhaqanka iyo dhaqaalaha ku caan ah, laakiin dadka degaanka ahi, waxay khaatiyaan ka taagan yihiin qaylada, cidhiidhiga iyo sawaxanka baabuurta, cashuurta hantida laga qaado oo qaali ah, xilliga dayrtuna waa mid jawgu aad uu xun yahay.
Fort Lauderdale, Fla: magaaladan waxa si xun u baabiiya roobabka xilliyada gu’ga, sababta oo ah meel god ah ayey ku yalaan, guryaha magaalada u dhawna amma badhtamaha ahina waa qaar qiimahoodu aad u qaaliyey waxaanay koreen 50% sannadadiid u dambeeyey, haddaba guriga kaliya waxay kiradiisu dhan tahay $183,000 (Boqol iyo saddex iyo siddeedan kun oo dollar).
Toledo: magaaladan oo ka mid ah Gobolka Ohio waxa badana ka dhaca fadeexado xatooyo oo ay ku kacaan maamulku, ciidammada FBI iyo waaxda guryeynta iyo hurmairnta miyigu waxay badana helaan dambiyo la xidhiidha fadeexadaha xatooyada hantida dawladda.
Magaaladan Toledo waxa sidoo kale aafeeyey faqiirnimo aad u liidata, taas oo ka timi dhinaca dakhliga iyo cashuurta oo aan dib loogu soo celin, iyada oo markeedii horeba iska dakhli yaraydwaxa badana ka dhaca.
Rockford, Ill: Magaaladan xaddiga cashuurta ah ee ay soo hoysataa waxa uu ahaa sannadkii 2010-ka kii ugu badnaa ee magaalooyinka Maraykanka laga helo, waxaana taa sababtay cashuurta guryaha magaalada badhtankeeda ku yaala laga qaado waxa weeyaan $3,234 doollar gurigiiba, halka qiimaha guriga lagu kiraysaatana uu dhan yahay $136,000 sannadkiiba.
No. 10: Warren, Mich: Magaaladan oo ka mid ah gobolka Michigan, waxa aad u burburay suuqa kala iibsiga guryaha, waxaannu qiimaha guriga lagu gataa hoos u dhacay 50%, waxaana dadkii guryaha lahaa soo asiibay dakhli yaraan.
Togdheernews.com
↧
Magaalooyinka Ugu Silicaya iyo Nolosha Xun Dalka Maraykanka
↧