Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Ra’isal Wasaare Saacid: Xukuumadeydu wey ilaalineysaa X/Insaanka

$
0
0

Muqdisho  (Sh.M.Network ) Ra’isal Wasaare Saacid oo Maanta Lahadlay Warfidiyeenada Kadib Markii uu kulan la qaatay Dr Shamsu Baari oo ah Khabiir si gaar ah Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Lasocodka X/Aadanaha ee Soomaaliya ayaa sheegay in shir dheer ay ka yeesheen isaga iyo Dr Shamsu Baari arrimaha X/Aadanaha.
Dr Cabdi Faarax Shirdoon Saacid Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay ilaalinta Xuquuqda iyo Horumarinta Umadda Soomaaliyeed in ay tahay wax weyn oo Muhim ah islamarkaana Micno ugu fadhisa dowladda Soomaaliya.
Dr Saacid ayaa soo hadal qaaday in ay Nasiib wanaag tahay in dowladda ay horay isugu Howshay Dhowridda Xuquuqda Umadda Soomaaliyeed iyadoo aan Lagu ilaalineynin.
Geesta Kale  Dr Shamsu Baari oo ah Khabiir si gaar ah Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Lasocodka X/Aadanaha ee Soomaaliya ayaa sheegay In uu ku faraxsanyahay imaanshiyaha Soomaaliya isagoona Xusay in ififaalo wanaagsan ay Ka muuqato Soomaaliya marka loo eego sanadihii Hore.
Khabiirka ayaa sheegay in Soomaaliya oo dhan ay saameysay Tacadiyadii ka dhacay dalka Gaar ahaan Haweenka.
Dr Shamsu Baari ayaa Hoosta Ka xariiqay in uu beesha Caalamka uu horgeyn doono sidii Soomaaliya looga Taageeri lahaa arrimaha Xuquuqul Insaanka isagoona Mahad naq u jeediyay Ra’isal Wasaare Saacid oo uu sheegay in ay Xukuumaddiisu ay wax badan ka qabatay ilaalinta Xuquuqda Aadanaha .
Kulanka uu Maanta Ra’isal Wasaare Saacid La qaatay Dr Shamsu Baari ayaa waxa uu ku soo beegmayaa Xilli ay Xukuumadda Federaalka ay Ku howlantahay Dhowrista Xuquuqda Umadda Soomaaliyeed.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>